Kalfadhiga 3aad EE Gollaha Deegaanka Bosaso oo maanta furmay

Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka furmay kalfadhigii Sadexaad ee golaha deegaanka degmada Boosaaso, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo saraakiil ka tirasan laamaha Amaanka ee Gobalka Bari.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa degmada ay waxyaabo badan u qabsoomen, ayna weli ku guda jiraan dadaalada la xiriira qabsoomida qorshayaal kale oo u degsan degmada oo ay ka mid yihiin dhiranta magaalada,iyo kuwo kale oo lagu qurxin doono Boosaso,

Waxa kale oo uu Sheegay in arimaha bulshada Amniga iyo weliba horumarinta guud ee degmada isagoo sheegay in ay dhamaantood yihiin kuwo sidii loobaahnaa u socda.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys dhedo ayaa Xildhibaanada Golaha deegana Boosaso ka codsaday in ay kal shaqeeyaan Amaanka si looga hor tago falalka Amaanka lidka ku ah waxana uu sheegay in habeenadii ugu danbeyey ay magaalad ka waden hawl galo la xiriira Amaanka Boosaso.

Wasiir u dawalaha wasaaradda dekadaha Puntland ayaa isagu si rasmi ah u furay kalfadhiga golaha deegaanka, isagoona ku amaanay mamaulka degmada iyo xildhibanaada shaqooyinka ay bulshad u hayaan.

Mudada uu socdo kal fadhigu ayaa waxa inta badan looga hadalaya sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka hor yaala iyo hirgalintooda.

doorasho-27 doorasho-26 doorasho-25 doorasho-24 doorasho-23 doorasho-22 doorasho-21 doorasho-20 doorasho-19 doorasho-18 doorasho-17 doorasho-13 doorasho-16 doorasho-14 doorasho-15 doorasho-12 doorasho-11CABDIQANI BOOS

XAFIISKA BOOSASO

PUNTLAND POST