Gudoomiyaha Gobolka Bari oo sheegay in 120 qof lagu qabtay hawlgal

Bosaso (Puntland Puntland ):- Ciidanka Amanka ee Gobalka Bari ayaa howlgallo xoogan oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ku soo qabtay ku dhawaad 120-qof oo tuhun loo soo xiray, waxaana ku socda baaritaan sida uu xaqijiyey Gudoomiayaha Gobalka Bari.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo ka hadlayey Furitaanka kalfadhigga saddexaad ee Golaha deegaanka Boosaaso ayaa xaqiijiyay soo qabashada tirada dadkaa, waxaana uu sheegay in howlgalku sii socon doono.

dhanka kale Gudomiye Dhado waxa uu Xildhibaanada golaha deeganaka boosaso ka codsaday in ay kal shaqeeyan Amanka si loo qabta dadka Amaan Xumada ka wada gudaha magaalada Boosaso
Ciidamo si gaara u tababaran ayaa labadii habeen ee u dambeeyey baaritaano xoogan oo la xiriira xoojinta amaanka ka wadey xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso.

Hawlagalada lagu Xaqiijinayo Amanka Boosaaso aya la filayaa in ay sii socon doonan.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST