Khudbadii Jimcaha Maanta oo lagu amaanay Wasaarada Haweenka Puntland

anisa-xaaji-muuminKhudbadihii Jimcaha maanta ee masaajida magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa diirada lagu saaray Qadiyad ku aadan buug muran dhaliyay oo mid ka mid ah Hay,addaha Ajnabiga ah ay si qarsoodiya u faafinaysay, kaasoo markii ugu horeysayna ay si wada jir ah uga digeen Wasaaradda Haweenka iyo Hay,adda Xuquuqul Iinsaanka Dowlada Puntland .

Culimada ayaa si qoto dheer uga hadlay sida looga baahan yahay in dowlada iyo shacabkuba markasta ka digtoonaadaan fal walba oo lagu waxyeelaynayo diinteena suuban ee islaamka, waxayna si gaar ah amaan iyo bogaadin ay ugu jeediyeen Wasiirka Haweenka Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin iyo Gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Iinsaanka Dowlada Puntland Maxamed Yuusuf oo markii ugu horeysay arrintan daboolka ka qaaday.

Dhanka kale Culimadu waxay ka hadleen ku deg degida falalka mowduucyada islaamka qof looga been abuurto, waxayna farta ku fiiqeen inay khaldan yihiin qoraalo baraha bulshada ay ku faafiyeen dad ay ku sheegeen culimadu inay ku been abuurteen masuuliyiin u heelan difaaca diinta Islaamka.

Masaajida sida gaarka ah mowduucan looga hadlay waxaa ka mid ah Masjidka XAAJI CALI oo ku yaala Garowe iyo Masjidka AL-ROWDA oo ku yaala magaalada Bosaso.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST