Keating iyo Guddiga Doorashada oo ka arrinsanaya kuraastii la laalay

Ergayga gaarka ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo Kulan la qaatay Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ka dalbay Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka inay u faah faahiyaan wadada ay u mareen kala saarista 24 kursi oo khilaaf ka jiray.

Guddiga oo markii horre u gudbiyay Xafiiska Micheal Keating 24 kursi oo ay ahayd in la joojiyo waxayse marki danbe go,aan rasmiya guddigu ka gaartay kuraasta 11 Kursi oo warbaahinta laga shaaciyay in la laalay doorashadoodii.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay uga dalbadeen guddiga xalinta khilaafaadka faahfaahin la xiriirta sida 24 kursi looga reebay 11 Kursi.

Dhinaca kale Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa uga jawaabay maamulada eedeyntii uga timid oo ku saabsan wax isdaba marin iyo ergooyinkii la bedelay.

Ma jirto ilaa iyo hadda war rasmiya oo ka hadlaya Natiijada ay iskula qaateen kulanka galinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen Muqdisho Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka iyo Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST