BOSASO:-TALIYE KUXIGEENKA 3AAD BOOLISKA PUNTLAND OO GEER YODAY

Taliye ku-xigeenka 3-aad ee Booliska Puntland gaashanle dhexe Jaamac Saxardiid Cabdi. oo shalay ay dablay hubaysani ku dhaawacday magaalada Boosaso ayaa goordhawad ku geeryooday isbitalka dawalada ee Boosaso.

Sida ay noo Xaqiijiyeen Maamulka  Isbatalka wen ee boosaso oo ay Puntland Post la xiriiratay  waxana ay sheegen uu saacad kohor uu u geeryooday dhaawicii shalay loo gaystay.

Taliyaha ciidamada Puntland General Ereg oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay in geerida ku timid Saxardiid ay ka tacsiyadaynayaan ,isaga oo tilmaamay in lagu raad-joogo kooxihi ka danbeeyay falkaas.

Magaalada Bosaaso ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amaanka wanaagsan Soomaaliya wallow Puntland waayadii danbaba ay dagaalo kula jirtay kooxo xag-jira.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST 

XAFIISKA BOOSASO