Wasaarada Haweenka Puntland oo ka hadashay buug muran dhaliyay

Garowe (Puntland Post):- Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa lagu cambaareeyay Buug ay ku jireen qodobo ka hadlaya waxyaabo aan waafaqsanayn diinta islaamka iyo Dastuurka Puntland ka dib markii lagu soo dhex qariyay labo qodob oo ku jira buug ka hadlaya ” BAAQA CAALAMIGA AH EE  XUQUUQUL INSAANKA”.

Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo maanta warfidiyeenka kula hadashay magaalada Garowe ayaa sheegtay in arrintan lagula xisaabtami doono cidii ka dambeysay, waxayna muujisay dareenka Wasaaraddu uga soo horjeedo falkan oo ay sheegtay in mid ka mid ah hay,addaha wadanka degan kusoo dhex qariyeen munaasabadii xiritaanka Ololaha 16ka beri tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka iyo Caruurta oo ka qabsoontay hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe.

Wasiir Aniso Cabdulqaadir ayaa si adag Warsaxaafadeedkeeda ugu difaacday waajibka ka saaran ilaalinta Diinta Islaamka oo ay sheegtay inaan wixii ka hor imaanaya lagu faafin karin gudaha wadanka sida ku cad dastuurka u degsan Puntland.

Haddaba halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Horumarinta iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST