Puntland oo si adag u difaacday Diinta Islaamka

Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa si culus uga hadashay buug la sheegay in diinta Islaamka loogu gafay oo loo qeybiyay maalinta ay ugu magacdareen “Maalinta Xuquuqul Insaanka” oo aalaa la xuso 10-ka bisha Disembar sanad walba.

Waa buug lagu sheegay in qofku Diinta uu rabo qaadan karo; ragu is guursan karaan; sidaas si la mid ahna dumarku is guursan karaan. Buugaas waxaa jaldiga sare ku qoray in ay iska kaashadeen United Nations Human Rights iyo UNSOM.

Hay’adda ayaa la sheegay in ay u qeybisay dadweynihii isugu yimid in ay xusaan maalintaas nuqul ka mid ah buugaas oo sida la sheegay ka kooban 30 qodob oo loogu magac daray”Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka”, kaas oo labo qodob oo ka mid ah si cad uga hor imanayaan diinta Islaamka.

Buuga “Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka” ayay Hay’ad ka mid ah kuwa Qaramada Midoobay si qarsoodi ah ku soo galisay goobta shirka lagu qabtay oo aheyd Jaamacada Bariga Afrika, is la markaasna qeybisay wakhti shirka lagu guda jiray, taas oo mar danbe ay ogaadeen Hay’adda Xuquuqul Insaanka Dowlada Puntland iyo Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska.

Haddaba, shir saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Hay’adda Xuquuqul Insaanka iyo wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska dowlada Puntland ayaa hadal aad u culus dusha lagaga tuuray QM.

“Waxa dib laga ogaaday “Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka” qodabka 16-aad iyo qodabka 18-aad in ayna waafaqsaneyn Diinteena suuban ee Islaamka ah iyo Dastuurka dowladda Puntland,” ayay tidhi Aniisa Mu’min oo ku hadlaysa magaca Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska.Tixraacaya Diinteena Islaamka iyo Dastuurka Puntland

Dhalinyaro aan waxba hubsan oo aan xisaabta ku darsan hadalkii Alle ee oranayay “haddii WAR la idiin la yimaado iska hubsada يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَأٍ فَتَبَيَّنُوا.  الحجرات  ayaa isla markiiba waxay baraha bulshada ku faa’fiyeen in Wasaarada Horumarinta Haweenka & Arimaha Qoyska ay ku luglaheyd, .

wasiirka-haweenka-pl_
Wasiirka Haweenka Puntland Drs Aniso

Haseyeeshee, ku luglahaanshaha eedaas waxaa si weyn isaga fogeeyey labada xafiis ee Xuquuqul Insaanka Puntland iyo Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska “Waxa aan cadeynayaa in buugaa aan kor ku soo xusay aysan Wasaarada Haweenka wax ogaansha ah iyo talo gal midka ku laheyn, is la markaana cid walba oo  fududeysa qeybintiisa ay danbi ka gashay guud ahaan dowlada Puntland, gaar ahaan Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska iyo bahwadaagteeda shaqo, ayay tiri Wasiir Anisa.

Waxa ay ugu baaqday shacabka Reer Puntland meel walba oo ay joogaan in ay isku meel uga soo wada jeestaan dhowrista iyo Ilaalinta Diinta Islaam-ka, dastuurkooda & dhaqankooda.

Dhanka kale, Hay’adda Xuquuqul Insaanka Puntland ayaa sheegtay in ayna waxba kala socon buugaas oo aan loo horay loogu keenin.

“Bugaasi waxba kama aanaan ogeyn, naloomana sheegin, naloomana keenin,” ayuu yidhi …

Waxa uu sheegay in ay baadhis ku socoto is la markaasna talaabo ka qaadayaan marka ay ogaadaan ujeedka ay ka lahaayeen hay’adda la sheegay in ay qeybisay oo aan loo soo bandhigin saxaafada magaceeda.

“Haddii aan nahay anagu dad Musliim ah waxaa noo ah sharciga ugu sareeya shareecada Islaamka. Qodabka 9-aad, 13-aad iyo qodabka 30-aad ee Dastuurka (Puntland) ayuu  buugaasi ka hor imaanayaa, sidaas awgeed qodabadiisa 16-aad iyo 18-aad waa kuwo dadka Muslimiinta ah, dadkeena Soomaalida ah ee Reer Puntland aan la jaanqaadeynin, ayuu yidhi sargaal u hadlay Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland.

Si kasta ba ahaatee, Hay’adaha QM ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka war helay difaaca ay diinta Islaamka ugu jirto Puntland, taas oo yaab iyo af kala qaad ku noqoneysa hay’adaha is ka caadeystay in ay weerar iyo kala dil ku sameeyaan dadka Soomaaliyeed ee diintoodu tahay Islaam.

PUNTLAND POST