Kaalin shidaal oo maanta ku gubatay Bosaso

Bosaso (Puntland Post):- Abaaro 2:-00 PM duhurnimo waxaa magaalada Bosaso dab ku qabsaday dhisme ku yaala agagaarka Dekeda oo lagu magacaabo Kaalinta Shidaalka WALADII oo ka mid ah goobaha dowlada Puntland ka qaadato shidaalka gadiidka.

Goobjooge ku sugnaa goobta ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST in burbur hantiyeed uu soo gaaray kaalinta shidaalka iyo goobo u dhaw .

Waxaana durbadiiba gaaray shaqaalaha Dab-demiska Dowlada Hoose ee Bosaso oo waxyar ka dib ku guulaystey inay bakhtiiyaan gabi ahaanba dabka oo kusii fidi lahaa dhul balaaran.

War sugan lagama hayo sababta dhalisay dabka maanta qabsaday kaalinta Shidaalka WALADII , balse warar madax banaan ayaa sheegaya suurtagalnimada inuu ka kacay korontada ku xirnayd gudaha kaalinta.

doorasho-1 doorasho-2 doorasho-3 doorasho-4 doorasho-5 doorasho-6 doorasho doorasho doorasho-6 doorasho-7 doorasho-1 doorasho-10 doorashoAbshir Dhiirane
PUNTLAND POST