Bosaso:- Alshabab oo sheegtay masuuliyadda dhaawaca Taliye Saxardiid

Bosaso (Puntland Post):- War kasoo baxay Kooxda Alshabab ayay ku sheegatay inay ka dambeysay masuuliyadda weerar saaka dhaawac loogu geystay gudaha magaalada Bosaso Taliye kuxigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Puntland Gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Cabdi.

Sida ay baahisay idaacadda ku hadasha Afka Alshabab waxaa geystay koox hubeysan oo ka tirsan Xarakada Alshabab weerarka subaxnimadii horre ee maanta lagu dhaawacay gudaha magaalada Bosaso Taliye kuxigeenka 3aad ee Booliska Puntland .

Warka kasoo baxay Kooxda Alshabab ayay ku eedeeyeen Taliyaha la dhaawacay inuu ku lug lahaa raaf ka dhan ah dad ay ku sheegtay Alshabab inay yihiin shacab muslimiin oo ku nool magaalooyinka ay ka taliso Dowlada Puntland.

Taliye Saxardiid
Taliye Saxardiid

Wararka ka imaanaya Bosaso ayaa sheegaya  inay kasoo raynayso xaalada dhaawacii loo geystay Taliye Saxardiid ka dib markii labo xabo ay ku dhufteen labo nin oo dhalinyaro ah oo bistoolad ku hubeysan sida ay sheegeen goobjoogayaal ka agdhawaa goobta falku ka dhacay.

Magaalada Bosaso ayaa mudooyinkii u dambeeyey ka caaganeyd  falalka noocan ah , wallow arrin ugub ay ka dhigayso weerarkii kooxo hubeysan maanta ku dhaawaceen mid ka mid ah saraakiisha booliska Puntland oo socod lug ah ku maraya gudaha Bosaso,isagoo aan wadan Ilaalo/Waardiye.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST