Raysal wasaare CC Sharmaake oo taageero u doontay Imaaraadka Carabta

Waxaa subaxnimadii horre ee maanta safar aan horey loo sii shaacin uga dhoofay garoonka Diyaaradaha Garowe Raysal wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake , Xubno ka mid ah Xildhibaanada cusub ee lasoo doortay iyo Ilaaladiisa.

Warar madax banaan oo kasoo baxaya Safarka Raysal wasaaraha ayaa sheegaya inuu la xiriiro taageero dhaqaale oo uu ka raadsaday Dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta oo sida la tilmaamo ka mid ah dowladaha ka taageeraya qorshihiisa musharaxnimo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Raysal wasaaraha ayaa muddo saacad ah kusii hakaday garoonka diyaaradaha Bosaso uu ka raacay diyaarad khaas ah, halka ay xubnihii kale ee la socday diyaarad kale u raaceen magaalada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa maalmihii tagey uga qeybgalay magaalada Garowe kulamo siyaasadeed oo uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Xubno uu ka mid yahay Madaxweynihii horre ee Puntland Dr Faroole oo hadda ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST