Odayaasha Beesha HAYAAG oo eedeeyay Madaxweynaha Puntland

Garowe (Puntland Post):- Shir ayaa maanta isugu yimaadeen magaalada Garowe, Boqor Cabdulaahi Axmed Cali Daba-gooye,Cuqaasha, Waxgaradka , Odoyaasha iyo Dhalinyarada Beesha HAYAAG Dhulbahante ayay uga hadleen arrimo ku saabsan doorashada aqalka hoose ee dhawaan ka qabsoontay magaalo madaxda Puntland ee Garowe ka dib markii ay sheegeen in la duudsiiyay kursigii beeshoodu ku lahayd baarlamanka dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Cuqaasha Beesha HAYAAG oo saxaafadda kula hadlay kulankooda ayaa eedeyn dhusha uga tuuray  Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo ay sheegeen inuu ku lug lahaa in beel kale la siiyo kursiga Beeshoodu ku lahayd Aqalka hoose ee Baarlamanka Dalka Soomaaliya..

Boqor Cabdulaahi Axmed Cali (Dabagooye) oo isna saxaafadda la hadlay ayaa ugu baaqay Guddiga Sarre ee Doorashooyinka iyo Dowlada dhexe ee Soomaaliya inay soo faragaliso cabashooda, wuxuuna sheegay in arrintan ay iska arkeen Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Shirka Jaraa,iid ee Odoyaasha Beesha HAYAAG ayaa kusoo beegmaya xilli 2 kursi oo lagu soo celiyay Xildhibaanadii Puntland laga soo doortay uu mid ka mid ah yahay Xildhibaankii la siiyay Kursiga ay sheeganayso beesha HAYAAG in la duudsiiyay.

Daawo Shirka Jaraa,iid ee maanta.

Daawo Sawiradda

img_0928 img_0932 img_0940 img_0944 img_0953 img_0955 img_0957 img_0960 img_0966 img_0992Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST