Hawlgal laga fuliyay Garowe oo lagu soo qabtay Khamri fara-badan

Garowe (Puntland Post):- Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Xinjira Dhuuq iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa maanta kusoo bandhigay magaalada Garowe khamradii ugu badnayd abid oo lagu qabto gudaha magaalada Garowe sida uu sheegay Taliye Cabdirashiid Xinjira Dhuuq.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Xinjira Dhuuq ayaa sheegay hawlgal ay xalay ciidanka amnigu ka sameeyeen magaalada Garowe in lagu guulaystay soo qabashada 12 kartoon oo qamri ah , kuwaas oo ay ku jiraan 280 dhalo nooca la yiraahdo DRY JIN, Qori AK 47 ah, Bistoolad, saddex gaari iyo shan qof oo la sheegay inay wateen khamriga.

Cabdirashiid Maxamuud Awxuseen ayaa ku amaanay ciidanka Amniga howlgalka ay xalay ka fuliyeen magaalada Garowe, wuxuuna ka codsaday Gudoomiyaha Gobolka Nugaal in la dalacsiiyo ciidanka fuliyay howlgalkaan.

Gaashaanle sare Cabdirashiid ayaa intaas ku daray in ciidamadu laba jibaareen xoojinta amniga iyo ka shaqeynta nabadgalyada, Islamarkaana cid kasta oo isku dayda inay waxyeelayso nabada iyo horumarka ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Daawo Sawiradda.

img_0822 img_0824 img_0825 img_0826 img_0827 img_0837 img_0840 img_0841 img_0843 img_0854 img_0863 img_0867 img_0823Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST