Garowe:-Kulan dhexmaray CC Sharmaake,Faroole,Gaas iyo Xildhibaanada cusub

Kulan qaatay saacado badan ayaa galinkii dambe ee maanta ku dhex maray magaalada Garowe, Labada golle ee Puntland u matali doona Aqalka Sarre ,Kan Hoose , Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid ,Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ah mudane ka tirsan Aqalka sarre ee Baarlamanka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka oo salka ku haysa falanqeyn ku saabsan sidii Puntland ugu wajihi lahayd doorashada la filayo inay ka qabsoonto Muqdisho  ilaa 28 December 2016 qorshe hal waji leh, waxaa si gaar ah talooyin isugu weydaarsaday Xildhibaanada labada Golle ee Puntland ku leedahay Aqalka hoose, Kan Sarre, Madaxweynaha Puntland iyo Musharaxiinta kala ah Raysal wasaare CC Sharmaake, Dr Faroole oo kasoo jeeda Puntland.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo is daba joog ah oo ilaa shalay Garowe uga socday Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Musharax Cabdiraxmaan Faroole oo labaduba u sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya , kuwaas oo ay  garwadeen ka yihiin Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo Prof Juuriile oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare, waxaana wararka kasoo baxaya sheegayaan in diirada lagu saarayo wada hadal ku qotoma isu tanaasul dhex mara Dr Faroole  iyo Raysal wasaare CC Sharmaake.

Inkastoo aan wali la shaacin natiijo kasoo baxday kulamada ka socda Garowe, Misana warar hoose oo ay helayso PUNTLAND POST ayaa sheegaya in kulankii galabta  qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal Puntland u matalaya Baarlamanka Soomaaliya ay kula taliyeen Musharax Faroole iyo Raysal Wasaare CC Sharmaake in looga baahan yahay isu tanaasul , Iyaga oo taas ku sababeeyay in qorshahoodu uu yahay siday Puntland ugu wajihi lahayd Doorashada Soomaaliya talo mideysan ah oo HAL WAJI leh.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo galabta warfidiyeenka kula hadlay goobta uu ka qabsoomay kulanka ay la qaateen Xildhibaanada labada golle ayaa sheegay inuu ku saabsanaa kulanka dhex maray isaga iyo Raysal wasaare CC Sharmaake mid ay uga wada hadlayeen talada guud ee dalka, wuxuuna ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo natiijada kasoo baxday kulankooda.

Dhinaca kale warar madax banaan ayaa sheegaya kulan afar geesood ah oo ay caawa ku balansan yihiin Madaxweynaha Puntland, Raysal Wasaare CC Sharmaake, Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Prof Juuriile, Xilli la filayo inuu noqdo kulankaasi kii ugu dambeeyay ee gudaha Puntland inta aysan Muqdisho u safrin Xildhibaanada cusub ee lagu soo doortay Garowe.

PUNTLAND POST