Garowe:- Go,aan laga soo saaray Ardeyda iyo Iskuulada Gaalkacyo

Shir jaraa,iid oo ay maanta ku qabteen magaalada Garowe Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo Gudoomiyaha Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ayay uga hadleen qorshe cusub oo loo dejiyay Ardeyda iyo Iskuulada ku yaala magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay saameyn ku yeelatay dagaalo soo noq noqday.

Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf ayaa sheegay inaanu saameyn doonin deegaanada kale ee Gobolka Mudug  go,aanka maanta kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Balse uu yahay mid u gaar ah Ardeyda iyo Iskuulada ku yaala magaalada Gaalkacyo oo kaliya ka dib markii uu sheegay inaysan fasax gali karin Ardeyda iyo Iskuulada Gaalkacyo xilliga imtixaanka teeramka ee la fasaxayo ardeyda dhigata iskuulada kale ee ku yaala Goboladda Puntland iyo Deegaanada kale ee Gobolka Mudug.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa isna dhankiisa sheegay in looga faa,iideysan doono go,aankan casharadii iyo duruustii ku dhaaftay Ardeyda dagaaladii kusoo noq noqday magaalada Gaalkacyo.

Wuxuuna ugu baaqay dhamaan maamulayaasha Iskuulada Gaalkacyo inay fuliyaan awaamiirta maanta kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Isagoona ku sababeeyay arrintan  in looga daba-geyn doono Ardeyda Gaalkacyo dhigooda kale ee wax ka barta iskuulada ku yaala magaalooyinka kale.

Akhri Go,aanka

img_0872 img_0874 img_0878 img_0882 img_0891 img_0902Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST