Bosaso:- Dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici oo wareejiyay deeq gurmadka Abaaraha

Bosaso(Puntland Post):-Deeqdan iskugu Jirta Bur,Baris iyo Sonkor oo ay iska soo Ururiyeen Ardayda Wax ka barata Dugsiga Sarre ee Imaamu Shaafici ee magaalada bosaso ayaa ahad mid loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu sameyen ee dagan deeganada Puntland .

waxana si rasmi ah loogu wareejiey Gudiga gurmada abaaraha Puntland .

munasabad lagu wareejinayeye deeqdan raashina ka ah ayaa ka dhacday Dugsiga Sarre ee Imaamu Shaafici ee magaalada bosaso waxaana ka qab galay Maamulka iskoolka, Ardayda waxa ka dhigata ,iyo Gudiga gurmadka abaaraha Puntland.

Eng Cabdirishid oo ah Gudoomiyaha gudida taakulanta Ardayda wax ka dhigta Dugsiga Sarre ee Imaamu Shaafici ee magaalada bosaso ayaa ugu horan gobta ka hadalay waxana uu shegayin ay deeqdan ay tahay mid loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameyen halka macaliminta iskoolka aya sheegen ay si rasmi ah ugu wareejiyeen deeqada Gudida gurmadka Puntland.

Beeldaaje Ismaaciil beeldaje Yaasiin o dhankisa Goobta ka hadalay ayaa mahad balaaran u jediyey Maamulka Dugsiga Sarre ee Imaamu Shaafici waxan sida o kale Dugsiyada kale ugu baaqay in ay ka qab qaatan Gurmadka Lo fidinayo dadka ay abaartu samaysay.

Sheekh Fu,aad Xaaji Nuur Gudoomiyaha Guddiga Taakulaynta Abaaraha Puntland ayaa ugu duceeyay Ardeyda iyo maamulka iskoolka Imaamu Shaafici inuu alle ka siiyo  bedel kheyr qaba kaalinta taakulanta ee ay ka geysteen abaaraha ka jira Puntland waxan sida oo kale u mahad celiyeye Maamulka Dugsiga Sarre ee Imaamu Shaafici.

 

Dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici ayaa deeqdan uu ku wareejiyey Gudiga abaaraha Puntland ayaa noqonaysa deeqdii ugu badneed oo ay bixiyaan Dugsiyada ku yaala Boosaso waxana uu Dugsiga Imaamu shaafici inta badan ka qab qaata gurmadada lo fidinayo dadka baahan.

2928

2742384537232117201816253034

43

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOSASO