Baarlamanka Puntland oo maanta la horgeeyay miisaaniyadda 2017

Garowe (Puntland Post):-Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland ayaa maanta ku horgeysay Gollaha Baarlamanka  Miisaaniyadda Dowlada 2017 fadhi uu shir gudoominayay Afhayeenka Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ay ka qeybgalleen ku dhawaad Afartan Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Puntland .

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdullaahi Shiekh Axmed ku xigeenkiisa Axmed Yaasiin Saalax iyo guud ahaan Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyada ayaa si wada jir ah ugu sugna maanta xarunta Baarlamaanka ku leeyahay magaalada Garowe.

Muhiimada loogu talagalay Miisaaniyadda Dowlada 2017ka ee maanta la horgeeyay baarlamaanka,waxay tahay siday turxaan bixin ugu sameyn lahaayeen golaha Wakiiladu qaab dhismeedkeeda, xilli ay ku qeexday wasaaraddu warbixinteeda inay tahay miisaniyaddu sanadka 2017, dhakhli dhan .$160,5600,648.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegtay in  sanadka 2017 ay ugu talagashay madaxyo is dhimay dhakhli , ka dib markey sheegtay in loo maray dib u eegis lagu sameeyay dhammaan Madaxda Dakhliga Wasaaradda,iyadoo si hoose loo eegay Madaxyadii sidhinka ku yimid si loo kabo isdhinkaasi.

img_3739Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegtay in si ka fiirsi leh u odorostay Dakhliga bilaha ah ee laga filayo inuu dowlada usoo xaroodo 2017,waxaana qorshaha lagu daray ilo cusub oo dhakhli kasoo xaroonayo sida Canshuurta shaqaalaha rayidka ah ee (UN,INGOST.ETC).

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu daray Canshuurta Garoomada Diyaaradaha Garowe iyo Boosaaso iyo Canshuuraha laga filayo Hay’adaha Caalamiga ah sida Qandaraasyada,Kirooyinka,baaburta,iyo Qarashyada ay gallaan IWM.

Waxayna sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland in dhakhligaas odorosta dheer oo ay ku sameysay in bishii uu noqonayo koror dhan,$430,000 dolar oo ka dhigaya Dakhliga Miisaaniyadda sanadka 2017  ($5,230,000)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa xubnaha golaha Wakiilada ka hor aqriyay Warbixin dheer oo ay wasaaraddu kasoo diyaarisay qaab dhismeedka miisaaniyada Dowlada 2017.

img_3745Wuxuuna wasiirku akhrinta khudbadiisii  ka dib guud ahaan xubnaha golaha Wakiilada ka codsaday in ay si xushmad leh u ansixiyaan Miisaniyadda dowlada oo uu sheegay inay Wasaaraddu mudo ku howlaneed sidii ay kusoo diyaarin lahayd.

Dhinaca kale Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa sheegtay in sanadkan lagu soo daray Dakhliga Wasaaradda Gobolada Hay’land-Gardafuu-iyo Sanaag, kuwaas oo aan hore looga qaadi jirin Canshuuraha Dowlada.

Mudanayasha Baarlamaanka ayaa maalmaha soo socda waxay soo eegi doonaan qaabdhismeedka Misaaniyadda Dowlada waxayna ka dib u qaadi doonaan cod.

img_3727 img_3729 img_3730 img_3715 img_3742 img_3750 img_3757 img_3716 img_3717 img_3718 img_3720 img_3722 img_3739 img_3740 img_3767 img_3773Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST