Garowe:-Hay,adda World Vision oo 80 ardey ah oo xirfado bartay usoo xirtay tababar

Garowe (Puntlland Post):- Garowe (Puntlland Post):- Hay,adda World Vision ayaa maanta magaalada Garowe ugu soo xirtay tababar muddo lix bilood u socday  80 Ardey oo ka kala socda Kaamamka Barakacayaasha iyo Bulshada rayidka ee ku nool Garowe , kuwaas oo mudadii uu tababarku u socday la barayay xirfado ku saabsan Ganacsiga. Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuc magaciisa la yiraahdo Nugaal Empowerment Better Livelihood Project oo ay ugu tala-gashay Hay,adda World Vision in kor loogu qaado xirfadaha, wax qorida iyo akhriska  iyo waliba ganacsi ee bulshada ku dhaqan  Gobolka Nugaal si kor loogu qaado heer ka nololeed ee bulshada.

Munaasabad lagu xirayay Tababarka u dhamaaday 80 ardey waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socota Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Puntland, Maamulka Degmada iyo Bangiga Amal.

Ugu horeyn Bangiga Amal ayaa soo bandhigay adeegyada ay u hayaan ganacsatada yar- yar, si ay uga faa,iidaystaan una isticmaalaan adeegyada uu bixiyo bangigu, Iyadoona uu usoo bandhigay ardeydaan Abdiansir Hersi oo ah madaxa maalgalinta bangiga Amal ee gobolka Nugaal casharo ku saabsan shareecada islaamku sidii ay  ganacsigoogda ugu  dabakhi lahaayeen.

Isku duwaha Gobolka Nugaal ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha (Abadiaziz) ayaa ku amaanay hayada World Vision tababarida ganacstada yar yar si xirfadahooda iyo aqoontooda gancsi kor loogu qaado; Isagoona bogaadiyay ganacsatada loo soo xiray tababrkan mudada lixda bilood ah soo baranayeen, wuxuuna ku dhiiri galiyay inay ganacsigooda ku dabakhaan wixii ay barteen si uu u noqdo mid mira dhala oo hana qaada.

img_0808Sidoo kale xoghayaha dowlada hoose ee degmada Garowe, oo ka hadalay xafladan ayaa aad ugu amaanay hay,adda worldvision sida ay deegaanada Puntland uga howlgasho gaaar ahaana gobolka Nugaal, wuxuuna sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ka soo qeybgalka xafladan qalanjabinta uuna u hambalyeynayo ganacsatadan  dhameysatay tababarka ganacsi.

Gabagadii shirka waxaa ka hadlay Maamulaha Masharuucan Ali Tumalo (Nugaal Empowerment Better Livelihood Project), isagoo ugu horeeyn u mahad celiyay ka soo qaybgalayaasha oo ay ugu horeeyaan wasaarda Ganacsiga iyo warshadaha, Bangiga Amal Degmada iyo Ardayda dhameystaya tababarkan.

Cali ayaa yiri ‘ waxaan  bogaadinayaa  ardayda tababarkan dhameysatay sida ay waqtigooda qaaligaa ugu horeen, inagoo ogsoon in qeybtood yihiin Waalidiin, halka qeyb ay aad ugu mashquul sanyihiin ganacsigooda’. Wuxuuna intaas raaciyay in aysan sidaa uga haridoonin ee ay dabagal ku someyndoonan iyagoo siinaya waxa uu ugu yeeray latalin iyo waana siin ku saabsan ganacsigooda (individual and Group coaching).

Daawo Sawirada Tababarka loo xiray 80 ardey ah.

img_0621 img_0624 img_0686 img_0696 img_0720 img_0721 img_0722 img_0724 img_0727 img_0739 img_0749 img_0753 img_0769 img_0771 img_0772 img_0775 img_0779 img_0782 img_0784 img_0785 img_0795 img_0797 img_0802 img_0803 img_0804 img_0808 img_0811 img_0817 img_0820Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.