Olole ku saabsan tahriibta, amniga iyo abaaraha oo maanta lagu qabtay Garowe

Xafiiska La dagaalanka Burcad badeeda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garowe iyo Culimo udiinka oo kaashanaya Hay,adda NCA ayaa maanta ku qabtay magaalada Garowe Olole balaaran oo ku saabsan Gurmadka Abaaraha ka jira Puntland, Ka hortaga Tahriibta, iyo Xoojinta Nabadgalyada, Waxaana ka qeyb qaatay ololahaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Nugaal, Madaxda Hay,adda NCA, Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeeda Puntland, Odoyaal, Culimo udiin , Ardey , Waalidiin iyo Qeybo fara badan oo ka socda bulshada Garowe.

Cabdirasaaq Maxamed Dirir Agaasimaha la dagaalanka Burcad Badeedka Puntland oo ka waramay ujeedada ololahaan ayaa sheegay in looga gol leeyahay sidii tabaaburacaad loogu aruurin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dhulka Puntland, Wacyi galino la xiriira ka hortaga musiibooyinka ay ka mid tahay Tahriibta iyo Sidii bulshadu ugala shaqeyn lahayd Xoojinta Amniga Hay,addaha ku shaqada leh.

Ololahaan ayaa bilow wanaagsan u noqonaya  kulamo is daba joog ah oo ay Hay,adda NCA ka gacan siinayso Xafiiska la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Caasimada Puntland iyo qeybaha bulshada sidii ay guddiyo ugu dhisan lahaayeen ka shaqeynta arrimo ay ka mid yihiin joojinta Tahriibta, Uruurinta Tababuracaad gurmad loogu fidinayo dadka ay saameeyeen Abaaruhu iyo Gacan ka geysashada Amniga.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Nugaal Qaasim Awcabdi ayaa ku amaanay Hay,adda NCA iyo Xafiiska la dagaalanka burcad badeeda kaalintan muhiimka ah ee ay ka istaageen wax u qabashada dalka iyo dadkaba, wuxuuna ugu baaqay Dadweynahaba inay kaalintooda ka qaataan barnaamijkan oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid wax ku ool.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay ololahaan oo kulan balaaran oo horudhac u ah loogu sameeyay Xarunta Guriga Gobolka Nugaal,Culimo, Ardey, Odoyaal iyo Qeybo kale oo ka tirsan  Bulshada Rayidka ah oo dhamaantood madasha ka jeediyay hadalo muhiim u ah gurmadka abaarta, ka hortaga tahriibta iyo xoojinta Nabadgalyada.

img_0490 img_0494 img_0498 img_0500 img_0503 img_0518 img_0521 img_0522 img_0523 img_0525 img_0526 img_0527 img_0532 img_0535 img_0538 img_0541 img_0542 img_0544 img_0545 img_0547 img_0558 img_0559 img_0561 img_0564 img_0565 img_0566 img_0568 img_0570 img_0571 img_0573 img_0575 img_0584 img_0587 img_0593Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.