Ka dib markii ay maanta meel mariyeen Gollaha Xukuumadda Puntland Miisaaniyadda Dowlada sanadka 2017 oo ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland inay u diyaarsan tahay qaab ka duwan qaababkii hore, waxaa ka mid ah qorshayaasha kusoo kordhay miisaaniyaddo dhawr ah, Curaaro loo qabto shirkado gaar loo leeyahay oo la shaqeeya Dowlada sida Shirkaddaha kala ah Al-fatxi, DBB, PIITECH,VIVACOM,Curaar loo qabto Wadada Ceel daahir iyo Lacag curuur ah oo loo qabanayo Arrimo ku saabsan Difaaca Dalka.
Wasiirka Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed oo maanta ka hor akhriyay Shirkii Gollaha Xukuumaddu ku yeelatay Xarunta Madaxtooyadda Garowe qoraal ku qaabeysan qaabka ay u diyaarsan tahay Miisaaniyadda cusub ee sanadka 2017 ayaa sheegay in qorshuhu yahay 2017 inay Wasaaradiisu hirgaliso barnaamij magaciisa loo soo gaabiyay “FMIS” (Finance Management Information System).
Gobolada kala ah Gardafuu iyo Hayland ayaa loogu daray Miisaanadiyadda Dowlada Puntland sanadkan 2017 miisaaniyad cusub madaama ay xaqiijisay Wasaaradda Maaliyaddu inaysan horey ugu jirin Miisaaniyadihii horre.
Waxaa kale oo ka muuqda bishiiba Miisaaniyada ay maanta meel mariyeen Gollaha Xukuumadda Puntland dhakhli dhan $370,000 (Saddex boqol iyo Todobaatan kun oo dollar) kaas oo ah dhakhli ay leeyihiin Shirkado gaar loo leeyahay, Sida (PIITECH, AL-FATXI,VIVACOM) iyo Curaaraha difaaca dalka, iyo Dhismaha wadada Ceeldaahir, oo guud ahaan dhakhliga miisaaniyadda gudaha sanadka 2017 ee billaha ah ka dhigaya $ 5,600,000 .
Miisaaniyadda Sanadka 2017 waxaa kale oo ku jira deeqaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka oo laga filayo bishiiba $ 1,612,558,Deeqaha Qaramada Midoobay oo laga filayo $ 5,588,000 iyo Miisaaniyadda Dowladaha Hoose ee 7 Degmo oo kala ah Garowe, Qardho,Eyl,Gaalkacyo,Jariiban,Beyla iyo Bosaso oo laga filayo $ 579,496, Kuwaas oo isu geyn ka dhigaya miisaaniyadda dowlada ee bilaha ah $ 13,380,054 halka ay guud ahaan noqonayso sanadkii $ 160,560,648 Dollar.
Sidoo kale waxaa loo kordhiyay sanadka 2017 qoondada Wasaaradda Waxbarashada oo la gaarsiiyay 7.5% si ay u fududaato ku dhaqanka Miisaaniyadda intii suuro gal ah ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku sharaxday isbedelka ku yimid Miisaaniyadda sanadka 2017
Waxayna noqonaysaa guud ahaan Miisaaniyadda oo ka kooban Dakhli iyo Kharash is le,eg .
- Dakhliga Miisaaniyadda 2017 Us Dollar $160,560,648
- Kharash Miisaaniyadda 2017 Us Dollar $160,560,648
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST