Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Puntland oo ka hadlay Kursiga Beesha HAYAAG

Garowe (Puntland Post):-Guddiga Doorashooyinka Dadban iyo Xalinka Khilaafaadka Heer Puntland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in la marin habaabiyay xubinta kursiga ay ku leedahay Xildhibaanada Puntland u matalaya Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya beesha HAYAAG  Baha-nugaaleed (Dhulbahante) xilli uu ka mid ahaa Kursigani kuraas loo soo qadimay maanta doorashadii ka qabsoontay Garowe Islamarkaana Musharax magaciisa la yiraahdo Sharma’arke Garad Saleman ay cod ku siiyeen tiro 50 qof ah .

Qoraal ku taariikheysan 30 Nov 2016 oo ku beegan xilligay  hakadka ku jirtay Doorashada Aqalka Hoose ee Puntland wuxuu muujinayaa nuqul ka mid ah oo soo gaaray PUNTLAND POST amar ay ku siiyeen Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, Guddiga kale ee dhigooda ah  inay fuliyaan go,aankii ay ugu aqoonsadeen tan saxda ah cabashadii uu usoo gudbiyay Boqor Cabdulaahi Axmed Cali (Daba-gooye) oo mar sii horeysay sheegay in la musuq maasuqay hanaankii loogu tala-galay qaar ka mid ah kuraasta beelaha doorashada Xildhibaanada ee ka socota magaalada Garowe.

Dhinaca kale Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Boqor Cabdulaahi Dabagooye ka mid yahay Issimada Qaar ay ku kala fog yihiin Fikirka Dhaw iyo Dhinaca Xuleysiga Siyaasadda Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo laga faramaroojiyay kuraasta beelahooda, Xilli uu ka mid yahay Boqor Dabagooye Issimaddii lagu aqoonsaday Shirarkii madasha.

Haddaba Akhri qoraalka Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadu kasoo saarey Kursiga Beesha HAYAAG (Baha-Nugaaleed-Dhulbahante)

img-20161211-wa0001 img-20161211-wa0000PUNTLAND POST