Garowe:- Sacdiyo Salaad Samatar oo loo doortay Xildhibaan Aqalka Hoose

Garowe (Puntland Post):- Sacdiyo Salaad Samatar ayaa ku guulaysatay kursiga 25aad doorashada aqalka hoose ee Puntland ,ka dib markii ay heshay codad dhan 49 cod, halka musharaxadii la tartamaysay oo magaceeda la yiraahdo Faadumo Maxamed Salaad ay heshay 1 cod oo kaliya.

Sacdiya Salaad ayaa ah haweenay caan ku ahayd inay dhaliilo xoogan u jeediso hanaanka awood qeybsiga Puntland, Iyadoona lagu xasuusto marar sii horeysay oo ay kasoo muuqatay shaashadaha la iska arko dhaliilo ay dusha uga tuurtay qaar ka mid ah beelaha Puntland oo ay ku eedeysay inay ku takrifaleen hanaanka awood qeybsiga uu ku dhisan yahay maamulka Puntland.

Kursiga ay kusoo baxday Sacdiya Salaad Samatar ayaa ah kursiga 25aad oo beesha Carab Saalax ku leedahay Xildhibaanada Puntland u matali doona Aqalka hoose ee Baarlamanka Dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.