Waxqabadka Amb. Abshir Xasan Haddii loo doorto Madaxweynaha Somalia

Abshir Xasan Abshir oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan inay u tartamaan Jagada Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2016 ayaa uga hadlay saddex fariimood oo uu soo bandhigay qorshihiisa waxqabad  haddii uu ku guulaysto tartanka uu u galayo Madaxweynaha Dalka  .

Musharax Abshir Xasan oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah ayaa sheegay in waxqabad iyo isbedel la taaban karo uga qorsheysan tahay daryeelka ciidanka iyo amniga qaranka haddii uu ku guulaysto sanadka 2016 Madaxweynaha dalka Soomaaliya

Daawo Fariinta 1aad.

Sidoo kale Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa sheegay in barnaamij Kobcinaya Islamarkaana horumar la taaban karo gaarsiinaya uga qorsheysan tahay Waxbarashada iyo Caafimaadka Dalka Soomaaliya, Isagoona farta ku fiiqay inay ka mid yihiin waxyaabaha uu xooga saarayo Arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada .

Daawo Fariinta 2aad .

Musharax Abshir Xasan Abshir oo horey xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Baarlamanka iyo Safiir Soomaaliya u fadhiya Dalka Brundi soo noqday ayaa uga hadlay fariintiisa 3aad Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga oo uu sheegay inuu u horseedi doono  Soomaaliya xiriir wanaagsan oo ah  mid ganacsi iyo mid saaxiibtinimo ku qotoma uu la samayn doono Dowladaha Adduunka iyo Guud ahaan bulshada Caalamka.

Daawo Fariinta 3aad.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST