Wasaarada Haweenka Puntland oo soo gabagabeysay ololaha Tacadiyadda ka dhanka Jinsiga

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ku saabsan soo afmeerida ololaha 16 ka beri ee Tacadiyadda ka dhanka ah Jinsiga iyo Sidoo kale maalinta caalamiga ee Xuquuqul Iinsaanka ayay maanta si wada jir ah ugu qabteen magaalada Garowe Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland iyo Hay,adda Xuquuqul Iisaanka Dowlada Puntland.

Waxaa kazoo qeybgalay Xafladan Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Haweenka Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Prof Abshir Awyuusuf Ciise, Xildhibaano, Madax sarre oo ka socotay Hay,addaha Qaramada Midoobay , Hay,addaha Caalamiga, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.

Ugu horeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Cabdirasaq Nuux Maxamed oo furay xaflada ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimiyadda ay leedahay maalintan iyo hawlihii ay qabatay Wasaaraddu 15ka beri ee uu socday ololahani.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Prof Abshir Awyuusuf Ciise oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay si loo yareeyo Tacadiyada ka dhanka Haweenka iyo Caruurta in wax la baro.

Masuuliyiinta ka socotay Hay,addaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa kale ayaa Iyana dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin hawlaha la xiriira Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee ay wado Wasaaradda Haweenka Puntland.

img_9917Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo soo xirtay munaasabada ayaa sheegtay in Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland iyo Bahwadaagteeda oo ay ugu horeeyaan Hay,addaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa Caalamiga ay guulo aan caadi ahayn 2016 ka gaareen shaqooyinkii ay wada qabteen.

Wasiir Aniso ayaa sheegtay in Soomaaliya ay  Puntland ugu horeyso yareynta shaqaaqooyinka ka dhanka ah haweenka iyo caruurta taasina ay ku timid dadaalo iyo waqti dheer oo la galiyay, waxay kaloo sheegtay in sanadkii 2016 la sameeyay xeerar fara-badan oo la xiriira kor u qaadida nolosha caruurta iyo ilaalinta haweenka.

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa shahaado sharaf la xiriiirta hawlkarnimadooda iyo shaqooyinka ay u hayaan Puntland gudoonsiisay Hay,addaha UNDP, UNICEF iyo UNSOM.

Dhinaca kale Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa si la mid ah maanta ugu qabatay magaalooyin ku yaala Gobolada Puntland munaasabado la xiriira soo xiritaanka ololaha 16-ka beri ee tacadiyadda ka dhanka ah arrimaha Jinsiga.

img_9834 img_9901 img_9903 img_9917 img_9802 img_9804 img_9805 img_9824 img_9829 img_9848 img_9859 img_9877 img_9894 img_9908 img_9909 img_9919 img_9934

img-20161210-wa0002 img-20161210-wa0003 img-20161210-wa0004 img-20161210-wa0005 img-20161210-wa0006 img-20161210-wa0007 img-20161210-wa0008 img-20161210-wa0009 img-20161210-wa0010 img-20161210-wa0011 img-20161210-wa0012 img-20161210-wa0013 img-20161210-wa0014 img-20161210-wa0015 img-20161210-wa0016 img-20161210-wa0017 img-20161210-wa0018 img-20161210-wa0019 img-20161210-wa0020 img-20161210-wa0021 img-20161210-wa0022Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.