Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ka dib  Safar qaatay labo toddobaad uu ku tagay Wadamada China, Itoobiya iyo Kenya , waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Konoco Masuuliyiin ka tirsan Labada golle ee Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda, Saraakiisha Amniga iyo Qeybo ka socda Dadweynaha.

Madaxweyne Gaas ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa iyo arrimo ku aadan doorashada dalka Soomaaliya , Abaaraha ka jira Puntland, Howlgalkii Ciidamada Puntland todobaadkan kula wareegeen magaalada Qandala ka dib shir jaraa,iid oo uu kula hadlay Warbaahinta

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaya doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federalka oo dib uga bilaamatay magaalada Garowe ayaa sheegay inuu taageersan yahay go,aankii guddiga ee ku aadanaa qoondada haweenka laga siiyay Xildhibaanada Puntland u matali doona Aqalka Hoose.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay muranka ka jira xubnaha aqalka sarre Gobolada Waqooyi , wuxuna tilmaamay inaysan sax ahayn qaabka loo wajahayo arrintaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa uga hadlay shirka jaraa,iid ee uu maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Garowe hawlgalkii ciidamada Puntland ay dib ugu qabsadeen magaalada Qandala, wuxuuna si weyn ugu amaanay ciidanka guusha ay ka gaareen hawlgalkaas.

img_8141 img_8143 img_8146 img_8148 img_8151 img_8155 img_8175 img_8177 img_8183 img_8185 img_8188 img_8192 img_8204 img_8207 img_8210 img_8212 img_8214 img_8218 img_8223 img_8224 img_8228 img_8234 img_8238 img_8242 img_8246 img_8247 img_8249 img_8250 img_8251 img_8255 img_8257 img_8260 img_8262 img_8264 img_8261 img_8265 img_8270 img_8271 img_8276 img_8284 img_8286 img_8289 img_8296 img_8300 img_8304 img_8305 img_8308 img_8313 img_8315 img_8317 img_8319 img_8320 img_8322 img_8324 img_8334 img_8340 img_8342 img_8351 img_8353 img_8360 img_8372 img_8380 img_8382 img_8403 img_8414 img_8418 img_8420 img_8424 img_8429 img_8444 img_8449-1 img_8449-3 img_8449-4 img_8449-5 img_8449-6 img_8449-7 img_8449Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST