Maalinta Caalamiga la dagaalanka Musuq maasuqa oo maanta lagu qabtay Garowe

img_9977Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe xuska maalinta caalamiga ee ka hortaga Musuq maasuqa Adduunka oo ku beegan 09 December ka dib munaasabad balaaran oo uu soo qaban qaabisay Hay,adda Asteynta, Maamul Wanaaga iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland, Waxaana kazoo qeybgalay xaflada xuska maalintan Gudoomiyaha Maxkamada Sarre ee Dowlada Puntland, Masuuliyiin ka socda gollaha Xukuumada, Hay,addaha UN-ka, Kuwa caalamiga, Culimo udiinka, iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee Xafiiska Asteynta, maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay nooca musuq maasuqa Dowlada Puntland ay la dagaalamayso, wuxuuna sheegay inay ka mid yihiin hab kasta oo loo adeegsado in lagu bixiyo Laaluushka sida in lagu bixiyo Shaqo, Darajo ama Magac iyo Xoolaysi kasta oo ku yimaada sifo musuq maasuq leh, nidaam kasta oo ku salaysan eex, qaraaba-kiil, iyo Canshuuraha Dowlada oo aan la bixin ayuu sheegay inay ka mid yihiin kuwa Puntland u aqoonsan tahay inay ka mid yihiin noocyada Musuq maasuqa.

Cabdiraxmaan Cali Guureeye Agaasimaha Xafiiska la dagaalanka musuq maasuqa Puntland ayaa la wadaagay Dadweynaha qaabkii Adduun-weynuhu kaga soo kabtay la dagaalanka Musuq maasuqa, wuxuuna sheegay inay ka mid ahayd wacyi-galin badan oo la sameeyay, Samaysashada Shuruuc qawaaniin ah, iyo Markii uu xil iska saaray qof kasta oo masuul ah la dagaalanka Musuq maasuqa iyo Dhaqan galinta Siyaasadda Dowlada.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Faraca Garowe ee Jaamacadda Bariga Africa, Kana mid ah dadka ka qoray buug sida hoos loogu dhimi karo Musuq maasuqa dalka Soomaaliya oo munaasabadan ka hadlay ayaa kusoo koobay hadalkiisa in dhibta iyo dayaca ummada ka haysta Musuq maasuqa lagaga bixi karo iyadoo dagaal cad lala galo wax walba oo ka hor imaanaya nidaamka dowladiga, Islamarkaana soo dedejin karta Carada Ilaahay.

2Haward Pell Wakiilka Siyaasadda Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Puntland oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeybgalay munaasabadan ayaa ka warbixiyay ujeedadii laga lahaa maalinta caalamiga ee loo asteeyay la dagaalanka Musuq maasuqa, wuxuuna sheegay inay ahayd 9 bishii December sanadkii 2003 ka dib markii ay u aqoonsadeen Gollaha Sare ee Qaramada Midoobay inuu ka mid yahay Musuq maasuqu waxyaabaha kusii kordhaya Dunida, una baahan in  ilgaar ah lagu eego sidii loola dagaalami lahaa.

Mr Pell ayaa sheegay inuu fakhrigu ku bato meeshii uu ka jiro musuq maasuq, wuxuuna si weyn ugu dheeraaday muhiimiyadda ay leedahay in lala dagaalamo waxyaabaha la xiriira Musuq maasuqa, Isagoona dhinaca kale ku amaanay Xafiiska Asteynta, Maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuq Maasuqa Puntland dadaalada uu ugu jiro sidii looga ciribtiri lahaa Puntland.

Isku soo wada duuboo dhamaan masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Qaramada Midoobay iyo Qeybaha bulshada oo maanta Garowe uga qeyb galay xuska maalinta la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa si isku mid ah carabka ugu adkeeyay sidey muhiim u tahay in la garab istaago Xafiiska la dagaalanka Musuq maasuqa Puntland oo ka hawlan ka dhabaynta mid ka mid ah balanqaadkii Madaxweynaha Puntland ka dib markii uu u asteeyay sanadka 2016 Puntland inay dagaal cad la galayso Musuq maasuqa.

img_0005 img_0006 img_0008 img_0009 img_0012 img_0013 img_0016 img_0018 img_0020 img_0021 img_0025 img_0026 img_0040 img_0048 img_0051 img_0054 img_0058 img_0062 img_0069 img_0087 img_0111 img_0114 img_0126 img_0141 img_0148 img_0154 img_0155 img_0157 img_0166 img_0167 img_0169 img_0171 img_0173 img_0174 img_0194 img_9977 img_9982 img_9984 img_9986 img_9989 img_9996 img_9997Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST