Bosaso: 35 Arday oo ka Qalin Jabiyey Jamacadda Bariga Africa

BOSASO(Puntland Post):-Munasabadan oo aha mid shahaadooyin lagu gudoonsinayey Arday baratay cilmiga caafimaadka islamarkaan ka qalin jabiyeye Jaamacadda Bariga Afrika ayaa lagu qabataya magalada boosaso.

Waxana ka qab galay masuuliyiin ka tirasan Jaamacadda Bariga Afrika macaliimiin ,xildhibaano, walidiin, iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Dufacdan oo ah dufcadii sadexaad oo ka qalin jabisa kuliyada caafimaadka aya tiro ahaan dhamaa 35 arday, waxaana wajiyadooda lag dheehan karay faraxad aad u weyn madaama ay mudo soo wadeen waxabarshadooda.

Sadiiq Cabdiqaadir Yuusuf iyo Axmed Maxamed Cabdi oo ku hadlayeye Afka Ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Bariga Afrika ayaa u mahad celiyeye maamulka iyo macaliimiinta Jaamacadda .

Madaxa kuliyada caafimadka ee Jaamacadda Bariga Afrika  Dr Abshir Cali Cabdilaahi oo dhankiisa munasabada ka hadalay ayaa hadalo badan oo dar darn ah u jediyeye ardaydii dhamaysatay jaamacad isagoona ku dhirigaliyey in waxa ay barteen  bulshadooda ugu adeegan.

Maxamed Maxamuud Cabdi oo ah ku xigeenka isu duwaha Wasaaradda  caafimadka ee gobalka Bari’ iyo Xildhibaan Buruuj oo ka tirasan Xildhibaanada golaha deeganka bosaso ayaa dhankood ardayda ku dhiri galiyeye u adeegida bulshadooda u baahan adeegyo caafimaad.

Ugu danbantii munasabada ayaa waxa ardayda lagu doonsiyey shahaadooyin halka iyaguna ay gudoonsiyeen shahaadooyin macalimiintii mudad wax soo baraysay.

jamacad-2jamacad-12jamacad-11jamacad-16jamacad-9jamacad-18jamacad-5jamacad-7jamacad-10jamacad-14jamacad-16jamacad-8jamacad-13

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO