FAL CELINTA DADWEYNAHA HAWL-GALKII DEGMADA QANDALA

oraahda-dadkaGarowe (Puntland Post):- Ka hor saddex maalmood baraha xiriirka bulshada ee Warbaahinta PUNTLAND POST waxaan ku qadinay Su,aasha Dadweynaha Todobaadka oo aanu ku eegnay aragtida shacabka ee ku aadan hawlgalkii ciidamada Puntland ku qaadeen Degmada Qandala ee Gobolka Bari  oo ay gacanta ku hayeen muddo ka badan 4 todobaad koox sheegatay inay ka tirsan Ururka DAACISH .

Dadweynaha fikirkooda uga dhiibtay Su,aashii Todobaadka ee PUNTLAND POST ayaa ku kala duwanaa in Puntland ka gaari karto kooxda Daacish guul military iyo mid afkaarta xagjirka ah , waxaana sida muuqata arbacadii lasoo dhaafay dagaal kula wareegay QANDALA ciidamada Puntland.

Arrimaha ay badankood ka mideysan yihiin dadkii aragtidooda ka dhiibtay barnaamijka Todobaadka ee SU,AASHA DADWEYNAHA waxaa ka mid ah in haddii shacabka Gobolka Bari gaar ahaan QANDALA Iyo Deegaanada kale ee ay ku dhuumaalaystaan kooxaha lidka ku ah amniga Puntland in laga guulaysan karo haddii ciidamada amniga ay la shaqeeyaan sida lagu xasuusto wada shaqeyntii dhex maray ciidanka iyo shacabka xilligii Alshabab laga saarayay SUUj iyo GARACAD.





Sii Akhriso oraahdda Dadweynaha

Dhinaca kale dadka qaar ayaa qaba inaysan sahlanayn dagaal kooxaha mintid ka ah lagula galayo dhul muhiimiyad wayn leh marka la eego baaxadiisa oo isugu jira Bad iyo Beri usii kala baxaya Buuralay, Keymo iyo Jeexdimo, Islamarkaana cimiladiisu inta badan tahay kulayl.

Si kastaba ha ahaatee dadka aan u bandhignay su,aashan ayaa fal celintoodu waxay u badnayd mid ay rajo xoog leh uga muujinayeen in ciidamada Puntland ka guulaysan doonaan Kooxdan ku cusub Soomaaliya sidii horey Puntland uga guulaysan jirtay kooxaha la afkaarta ah ururka DAACISH.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST