EU oo ka hadashay eedeyn la xiriirta in wariye loogu hanjabay gudaha Puntland

Garowe (Puntland Post):- Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya  ayaa looga hadlay eedeymaha sheegaya inuu ku muteystay cabsi galin wariye ka howlgala gudaha Puntland war laga faafiyay tartanka qandaraaska dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo ay maalgalinayso Midowga Yurub.

Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedkan oo soo gaaray PUNTLAND POST ayaa  si kooban loogu yiri “ Waxaan cambaareynaynaa haddii la xaqiijiyo in dhibaato loogu geystay suxufi Soomaaliyeed wararka la xiriira Tartanka Qandaraaska Wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo ay maalgalinayaan dalalka Midowga Yurub”

Warka kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay maanta sheegeen guddiga sarre ee Shirkadda Dhismaha AL-BASHID  baaritaan ka dib inay ku ogaadeen inaysan waxba ka jirin eedeyn loogu jeediyay xubin ka mid ah Shirkaddan inay hanjabaad iyo gacan ka hadal kula kacday mid ka mid ah Suxufiyiinta ka howlgala Deegaanada Puntland.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Midowga Yurub.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST