Doorashada Aqalka hoose Puntland oo maanta la fasaxay

Garowe (Puntland Post):- Guddiga Doorashada Heer Puntland ayaa xaqiijiyay in la fasaxay doorashada Aqalka hoose ee ka socotay magaalada Garowe ka dib markey ku sheegeen shir jaraa,iid oo ay maanta ku qabteen magaalada Garowe inay dhacayso maalinta Axada ee soo socota Doorashada 7 kursi oo ka mid ah 16 kursi oo ka harsanaa 37 kursi ee Puntland ku leedahay Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Sida ku cad warsaxaafadeed kazoo baxay guddiga doorashooyinka Dadban ee heer Puntland ayaa lagu amray beelaha kuraastu u harsan yihiin inay muddo labo maalmood gudahood ah oo maanta ka bilaamata ay kusoo xareeyaan ergooyinka kala saari doona musharaxiinta harsan.

Dhanka kale Guddiga iyo Dowlada Puntland oo ka duulaya warmurtiyeedkii madasha hogaamiyaasha Qaran ee 04 ilaa 16 bishii Setemper 2016 xaqiijinta qoondada Haweenka waxay u asteeyeen haweenka afar kursi oo ka mid ah 16 kursi ee u harsan Puntland, Waxaana jirta beelo si gaar ah loogu qorsheeyay kuraasta dhiman inay iska soo sharaxaan haween kaliya, waxaana ka mid ah beelaha haweenka loo asteeyay 4 kursi oo ay leeyihiin sidatan hoose:-

Beesha Majeerteen

  1. Cismaan Maxamuud :-Jifida Is Xul
  2. Cumar Maxamuud :- Jifida Cabdi Ciise

Dhulbahante

  1. Maxamuud Garaad:- Beesha Jaamac Siyaad
  2. Baha-nugaaleed:- Beesha Xasan Ugaas

Akhri qoraalka maanta kazoo baxay Guddiga Doorashada Heer Puntland

doorashoAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST