Wasaarada haweenka Puntland oo maanta soo bandhigtay qorshayaal horumarineed

Waxaa maanta ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin shir looga hadlayo sidii loo fulin lahaa Siyaasadaha iyo Qorshayaasha Horumarinta ee la xiriira Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, waxaana kasoo qeyb galay shirkaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano iyo Madaxda Gollaha Baarlamanka Puntland iyo Saraakiil ka socota Hay,addaha ay wada shaqeynta dhaw la wadaaga Wasaaradda Haweenka Puntland oo kulankaan soo qaban qaabisay.

Ugu horeyn Wasiir Aniso Cabdulqaadir ayaa sheegtay inay wado Wasaaradda Haweenka Puntland qorshayaal la xiriira horumarinta qoyska iyo haweenka sida qorshaha loogu magac daray National Plan of Action of Children Development oo hadda la wado qeybtiisa English-ka , Qorshe kale oo la yiraahdo Mainstreaming Toolkit oo ah qorshe fududeynaya sidii haweenka looga qeyb galin lahaa fursadaha jira.

Gender Response Budget oo isna ah qorshe miisaaniyad loogu raadinayo haweenka Puntland iyo Sidii loo horumarin lahaa siyaasada jinsiga oo iyana qabyo qoraal ah , Siyaasada Daryeelka Dadban ee caruurta dayacan, oo dhawaan la ansixiyay iyo Sidoo kale siyaasada ka hortaga gudniinka gabdhaha oo ay meel wanaagsan mareyso fulinteeda ayaa ka mid ahaa qorshayaasha ay daaha uga rogtay shirka Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland.

Wasiiradii kale ee kasoo qeyb galay shirkan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dadaalada ay wado Wasaaradda Horumarinta iyo Arrimaha Qoyska Puntland, halka ay iyana dhinacooda sheegeen Xildhibaanadii lagu casumay shirkaan inay laf dhabar u tahay bulshada Wasaarada haweenku, Islamarkaana ay muhiim tahay in la taageero siyaasadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee ay wado.

img_0020 img_0043 img_0052 img_0063 img_0075 img_9928 img_9929 img_9933 img_9943 img_9947 img_9952 img_9966 img_9972 img_9975 img_9977 img_9980 img_9981 img_9986 img_9989 img_9992Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST