Hay’adda waddooyinka Dowladda Puntland ayaa xarigga ka jartay 56 KM oo ka mid ah wadada Wadaagsin ee isku xiriirisa Deegaan Xeebeedka Garacad illaa Degmada Golgodob ee Gobolka Mudug, taas oo qeyb ka ah ballanqaadkii Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Odayaasha Degmada Jariiban dhexmaray kal hore, oo ahaa inay gacan ka geysan doonto Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas dhismaha Wadada Wadaagsin.
Dhismaha 56- Kilo Mitir oo la dhigay caro tuur oo ay weheliso 30 Kiilo Mitir oo dheeraad ah oo Iyana lagu sameeyay laangooyo iyo toosinta halka uu mari lahaa jidku ayaa maalin ka hor xariga looga jaray Deegaanada Buubi iyo Seemade oo ku yaala inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garacad ka dib markii ay halkaas gaareen wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Dowlada Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan.
Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa sheegay in dhismaha wadadan qeyb ka tahay balanqaadkii horey u dhex maray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” iyo Bulshada Deegaanka, wuxuuna sheegay inay xariga laga jaray dhismaha 56 KM oo ka mid ah wadada Wadaagsin iyo 30 Km oo dheeraad ah oo ay Hay,adda Wadooyinku ku samaysay Laan-gooyo iyo Toosinta halka uu marayo dhabuhu.
Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa mar kale sheegay inuu qeyb ka noqonayo qorshahani dadaaladii lagu doonayay sidii looga miro dhalin lahaa hadafkii ahaa PUNTLAND HA ISKU TASHATO , wuxuuna sheegay Gudoomiyaha PHA inay ka qeyb qaateen dhismaha wadada Dowlada Puntland, Bulshada Deegaanka, iyo Jaaliyaddaha Dibada, Halka uu sheegay inay iska lahayd dhamaan fulinta shaqadan Hay,adda Wadooyinka Puntland ee (PHA).
Dhinaca kale Qaar ka mid ah Odoyaasha Deegaanka iyo Maamulka Degmada Jariiban oo ka hadlay munaasabada xariga looga jaray dhismaha qeyb ka mid ah wadada Wadaagsin ayaa uga mahadceliyay sidey uga dhabaysay Dowlada Puntland balanqaadkii dhex maray sanadkii hore 2015.
Dhamaan gadiidkii, qalabkii iyo shaqaalihii Hay,adda Wadooyinka ee ka qeyb qaatay dhismaha wadada Wadaagsin ayaa loo soo wareejiyay sidii ay uga howl-gali lahaayeen Dayactirka Jidka dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo gaar ahaan qeybta dowladu ku leedahay oo ah diyaarinta wado ay isticmaalaan gadiidku inta ay socoto shaqada lagu dayactirayo laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo.
Wadada Wadaagsin oo dhismaheedu socday muddo dhowr sano ah ayaa hadda ku jirta barnaamijyada isku tashiga dadweynaha iyo dawladda Puntland ee PUNTLAND HA ISKU TASHATO, waxaana inteeda badan lagu dhisay qorshaha Isku tashiga oo ah mid aan cidna ku tiirsanayn.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST