CIIDAMADA PUNTLAND OO SI RASMI AH GACANTA UGU HAYA DEGMADA QANDALA EE GOBALKA BARI

Ciidamada Puntland ayaa si rasmi ah gudaha ugu galay Magaalada Qadiimiga ah ee Qandala oo qiyaastii 60 ML dhinaca badda ka xigta magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, Puntland ayaa si weyn guluf xoog leh u saartay Magaalada qandala oo 26-kii Bishii October isla sannadkan ay sheegteen in kooxda IS Ama Khilaafada islaamiga ah ay la wareegeen

Dagaalka mudo halkaasi ka socday  ayaa ay suurtagashay in si rasmi ah ay ciidamada Puntland gudaha uga galeen Magaalada Qandala waxaana ciidamadii ugu horeyay ee Magaalada ku daga aya ahaayeen Ciidamada Badda Puntland oo saacaadihi hore ee Arbacada gudaha u galay ka horna ciidamada waxa rasaas ku rideen Magaalada si ay u hubiyaan inay jirto iska caabin ka imaan karta Dagaalyahadana IS walow taasi aysan dhicin

Ciidamada Markii ay gudaha si lug ah ugu galeen dhinaca badda magaalada waxaa ay ugudbeen inay eegaan goobaha la is oran karay waa ay ku jiri karaan dagaalyahanada IS Waxaana Baaritaanka iyo Degitaanka ciidankuba ay u dhaceen si nabad ah ka dib tegitaanka ciidamada Badda waxaa sidoo kale dhinaca dhulka ka soo galay ciidamada daraawiishta iyo ciidamada amaanka ee Puntland kuwaas oo isku fidiyay magaalada qandala.

Howlgalka Ciidamada Puntland ay ku qaadeen Magaaladan Taariikhiga ah ayaa timid ka dib markii ciidamo hubeysan oo Sheegtay inay yihiin IS ay magaaladaas yimaadeen waxaana magaalada ay noqotay mid haawaneysa waxaana ka barakacay Dhamaanba dadkii deganaa markii ay magaalada la waregeen Ciidamada IS

Dagaalka Qandala waxaa uu ahaa mid si wadajir ah ciidamadu uga wadashaqeyeen iyadoo Masuliyiinta dowlada howlgalkan sida weyn ugu soo shaqeyay waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo she qeyey  Wasiirka Qarsheynta Dowlada Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed waceys Dhado, Dr Shire Xaaji faarax Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Puntand, Duqa Qanda Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan Waxaana Dhamaan Masuuliyiintan ka goneyd Magaalada in dib dowladu ula wareegto

Ma jirto Wax meyd ah ama dhaawac ah oo anu ku aragnay Magaalada Waxaana Iminka Magaalada Ay ahayd mid xasiloon waxaana joogay oo keliya Ciidmaada Madaamada horeyba dadkii deganaa uga tageen

img_9782img_9781img_9779img_9766img_9768img_9753img_9738img_9740img_9722img_9709img_9714img_9718img_9689img_9696img_9702img_9705img_9703img_9711img_9728img_9697img_9689img_9763img_9762img_9752img_9744img_9756

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO