Qarax aan khasaare geysan oo maanta lagu xiray wadada Galgala

Garowe (Puntland Post):-Wararka ka imaanaya buurlayda Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax miino ah maanta lagula beegsaday inta u dhaxaysa Tuulada Galgala iyo Deegaanka Bali-khadar gaari nooca iska rogada ah oo ciidanka Puntland ee saldhiga ku leh Galgala u qaabilsanaa adeega .

Saraakiil ka tirsan ciidanka Galgala ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST  inaanu habayaraatee geysan wax khasaare ah qarax maanta oo ay sheegeen inay ka badbaadeen darawalkii iyo dhawr askari oo la socotay gaariga iska rogada ah xilli uu ku wajahnaa magaalada Bosaso.

Nooca qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino lagu aasay wadada u dhaxaysa Galgala iyo Deegaanka Bali-khadar,

Ma ahan markii ugu horeysay oo wadada loogu aaso ciidanka Puntland ee saldhiga ku leh deegaano ku yaala buuraha sil silada Golis ee Gobolka Bari,  oo ka mid ah goobaha ay ku dhuumaalaystaan kooxo tiro yar oo ka tirsan ururada Daacish iyo Alshabab.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST