Maxaa laga bartay gurmadka abaaraha ee ka socda dalka ?

Sida lala socdo waxaa ka jirta dhulka Soomaalidu dagto abaar balaaran oo saamayn muuqata ku yeelatay dadka, xoolaha iyo deegankaba. muuqaalo  ay soo bandhigtay warbaahintu waxa ay muujinayan heerka abaartu ka mareyso deegaano ka mid ah kuwa Soomaalidu degto gaar ahaan dhulka Puntland.

Gudi xukuumada Puntland ay u magacowday Taakulaynta dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa socdaalo kala duwan oo ay ku mareen deegaano badan oo ka mid ah dhulka ay ku dhufatay abaarta ee ka jirta Puntland waxay kasoo gudbiyeen xaqiiqooyin ka turjumaya heerka abaarta culus ee Puntland.

Guddigan oo kaashanaya madaxda xukuumadda Puntland ayaa marar kala duwan baaqyo heer caalamiya u diray shacabka Soomaaliyeed iyo kan Puntland, Beesha Caalamka iyo Cid kasta oo lasoo gaari karta kaalmo bini’aadamtinimo oo deg deg ah .

guddiga-abaaraha-puntland
Guddiga Taakulaynta Abaaraha Puntland

Waxaa la abaabulay guddi hoosaadyo hawsha kaalin lixaad leh ka qaata, waxaana ka mid ah gudi hoosaadyada la sameeyey kuwa goobaha waxbarashada iyo kuwo kale. Guddiga gurmadku waxaa ay hal kudhig ka dhigteen “Galin Qad oo ku Quudi Walaalkaa”.

Hawshan gurmadka ah ee ka socota wadanka waxaa ay casharo bartay guud ahaan dadwaynaha gaar ahaaan da’ yarta soo koraysa, waxaa ay toosh ku ifisay hawlo dalka iyo dadkuba u baahnaayeen oo ah in dadka la dareensiiyo in aysan ku xirnaan ama aysan kaalmo ka sugin hay’ado iyo wadamo shisheeye laakin sidaas badalkeeda ay iyagu waxbadan qabsan karaan.

Xukumadii Kacaanka ee uu hogaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Bare Allaha u naxariistee inta badan goobaha dowlada iyo kuwa bulshada ka dhaxaya waxaa lagu dhisay iska wax u qabso. Barnaamijka iska wax u qabso waxaa uu ahaa barnaamij wadanka u so jiiday hormar badan oo la xiriira dhinaca xafiisyada dowlada iyo  goobaha dadwaynaha ee danta guud kuwaas oo  xukuumadu aysan kharash badan ku bixin.

abaartaLaakiin wixii ka danbeeyey 1991 markii ay xukumaadii Kacaanka meesha ka baxay waxaa batay ku tiirsanaanta hay’addaha deeqda bixiya. Waxaa wadanka ku so batay hay’addo badan oo wata magacyo ka turjumaya gurmad iyo gargaar. Waxaa ay beesha caalamku sheegtaa in ay Soomaaliya ku bixiyeen lacaga aad u fara badan.

Hadaba nuglaanshaha Soomaalidu waxaa uu meesha ka saaray waxyaalo badan oo ay iyagu qabsan jireen uu ka mid yahay; barnaamijkii iska wax u qabso, waxaa sidoo kale yaraaday isku xirnaanta, istaakulaynta iyo is marti galinta.

Qof weliba oo ka yar 30 sano waxaa uu ku garaadsaday in wixii la qabanayo laga sugo hay’addo iyo deeq bixiyayaal, ilaa la gaarsiiyey dadkii hadi loogu yeero shir in lagu siiyo lacag taasina ay sababtay in la waayo laba qof oo isku yimaada oo ka tashada danta guud. Intaas waxaa dheer hadii ay wadanka ka dhacdo dhib ama la doonayo in wax dadka ka dhexeeya la qabto waxaa ay noqotay in sharir jaraa’id inta la qabto in loo qaylo dhaanto beesha caalamka ilaa ay noqotay beesha caalamku beel beelaha Soomaaliya ka mid ah oo saamayn wayn ku leh arimaha siyaasada, bulshada, dhaqaalaha iyo dhinac kasto oo nolosha ka mid ah.

25 sano kadib waxaad moodaa in guddiga gurmadka abaaruhu ay soo nooleeyeen isku tashati iyo waxwada qabsi ku salaysan istaageerid. hal ku dhiga  “Galin Qad oo ku Quudi Walaalkaa” waxaa uu soo jiitay dad badan gaar ahaan dhalinyaro ay ka go’antahay in ay caawiyaan dadka ay abaartu si wayn u waxyeelaysay.

abaarIntii uu socday barnaamijkan waxaad arkaysay arday yar yar oo ka qayb galaya barnaamijka gurmadka abaaraha, ardaydaasi waxaa ay guri guri u galayeen dhamaan xaafadaha magaalada waxaa ay ku tartamayeen soo uruurinta deeq ay kaga qayb galayaan gurmadka abaaraha, deeqdan ayaa waxaa ay iskugu jirtay; hu, hunguri iyo lacag. Iskuul weliba waxaa uu u so uruursanayey deeq uu kaga qayb galayo gurmadka abaaraha, waxaa ka dhex muuqday tartan balaaran oo ku salaysan uruurinta deeqdaha waxaad arkaysay arday wata magacyada iyo halku dhigyo goobaha waxbarasho ee ay ka socdeen. Dadkeeni waxaa ay halmar isku badaleen deeq bixiyayaal, waxaa meesha ka baxday baahidii loo qabay hay’addo inta ay yimaadan dhaha waxaa aynu samaynayaa qiimayn ku aadan abaarta iyo saamaynteeda kadibna Nairobi ku noqda soona waarida galay iyo masago aanan tayo badan lahayn.

Guri  aan magaalada ka daganaa waxaa soo booqday caruur yar yar oo leh “adeer keen sadaqadii” sheegayana lambarka lagu dirayo lacagta gurmadka abaaraha. Hal mar ayaa waxaa ay dadku isku badaleen dad ka shaqaynaya danta guud iyo taakulaynta dadka ay abaartu saamaysay

1111
Qoraha Warbixinta Cabdulqaadir A.Warsame

Waxaan goob jooge ka ahaa kulan lagu wareejinayey deeq iskugu jirtay cunto iyo lacag oo ay wareejinaysay jaamacada PSU ayaa waxaa I soo jiitay kalmado uu ka jeediyey gudoomiyaha jaamacadda Maxamud Hamid oo yiri “caruur yar yar oo aan dhalay ayaa waxaa ay igu yiraahdeen aabe lambarka lacagta gurmadka abaaraha loogu dirayo ma taqaanaa? Waxa ay ii sheegen lambarka lacagta lagu dirayo waxaa ay iga codsadeen in aan diro lacagta,  marka waxaan la yaabay sida ay caruurtu qaybta firfircoon uga yihiin gurmadka abaaraha”

Dadaalada gurmadka abaarahu  waxaa ay hididiilo galiyeen bulshada, waxaa ka dhashay in la helo deeq bixiyayaal iyo deeq uruuriyayaal arintani waxaa ay horsed u tahay helitaanka dhalinyaro dalkooda iyo dadkooda wax u qabanaya. Waxaase shaki ku jirin ay arintaan dhibsandoonaan hay’addo iyo dad badan oo wax ku cuni jiray magacyada dadka dhibaataysan. Dhismaha dalka Soomaaliya waxaa lagu gaari karaa oo kaliya in gacmaha lays qabsado oo danta guud laga wada shaqeeyo.

W/Q:- Cabduqaadir Ahmed Warsame