HAY,DDA TADAAMUN OO KA WARBIXISAY GURMAD AY U FIDISAY DADKA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN

Hay’adda TADAAMUN oo inta badan ku hawlan taakulanta  dadka danta yar ayaa maanta ka warbixisay gurmado kala duwan oo ay ufidisay dadka ay abaaruhu sameyeen ee Puntland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta ay Hay,adda TADAAMUN ay ku leedahay magaalad bosaso ayaa waxa goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Guud ee Jimciyadda Wadaniga ah ee TADAAMUN Cabdiraxman C/risaaq Cabdiraxmaan  Gudoomiyaha Olalaha Gurmadka Ee Hay’adda iyo masuuliyiin kale.

Cabdiraxam C/risaaq Cabdiraxman Gudoomiyaha Hay dda TADAAMUN oo ugu horan ka hadalay goobta ayaa u mahad celiyeye cidkasta oo qab qaadatay gurmadka ay fidinayeen dadka ay abaartu samaysay waxaana uu sida oo kale ka warbixiyeye qoysaskii ay gaarsiyeen deeq isgu jirata Raashin iyo dhar.

”370 Qos ayaan gaarsinay deeq iskugu jirta Raashin iyo dhar oo dagan gobalka Bari, iyo Karkaar,kuwaas oo aanu ka ururinay dadka Reer bosaso wan umahad celinayaa cidkasta oo ka qab qaadatay gurmadkan Hay,dda TADAAMUN way sii wadaysaa gurmadkan ay ugu gar gaarayso dadka ay abaaruhu sameeyen.

Asad Cusmaan Cabdi oo kamid ah Masuuuliyiinta Hay,dda TADAAMUN ayaa isagana ka war bixiyeye waxayaabihii ay ku soo arkeen dhulkii ay booqdeen isagoona sheegay in ay dhulkaasi ay ka jiraan xaalada aad u daran oo nolal xumo loona baahan yahay in loo gurmado.

Qaar kamid ah dadkii ay abaartu samaysay oo lagaarsiyeye deeqada  isgu jirta Raashinka iyo Dharka ayaa u mahad celiyeye  TADAAMUN waxayna bulshad ugu baaqen  in ay u soo gurmadaan.

Inkastoo qaybo kamid ah soomaliya ay xiligan ka taagan tahay xaalad abaared oo darn taas oo saman ku yeelatay dad iyo duunyoba aya waxa xiligan loo fidinayaa gurmado kala duwan.

Hay, dda TADAAMUN ayaa waxa ay wali ku hawlantahay samata bixinta dadka ay abaaruhu sameeyen ee xiligan u baahan in loo gurmado waxana ay masuuliyiinta Hay,dda TADAAMUN ay sheegen in ay sii wadi doonan talaabadan ay ugu gurmanayaan dadka tabaalaysan ee ay abaartu ku dhufatay.

od-86od-89od-84od-83od-82od-85od-77od-79od-78

od-75

od-72

od-73

od-74

od-81od-76

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST