Hay,adda Culimada Soomaaliyeed oo baaq u dirtay Dowlada Federalka Somalia

Muqdisho (Puntland Post):- Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday hay’adaha ammaanka ee dowladda in tallaabo laga qaado dadka dilalka joogtada ah ka geysanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha hay’adaha culimada dalka,Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay habeen iyo maalin in dad lugu dilo magaalada Muqdisho,hadana aysan jirin cid loo soo qabto dilalka.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Sheekh Bashiir in ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay in ay gacanta kusoo dhigto kooxaha dilalka ka geysta Muqdisho.

“In maalin walba iyo habeenkii dad la dilo hadana aan cidno loo soo qaban waa wax aad u xun,dowladda ayay mas’uuliyad ka saaran tahay oo la doonaya sharciga inay horkeenan dadka wax laaya,”ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Weerarro taagasho ugu badan ayaa Muqdisho ka dhaca qaarkood al-Shabaab ayaa sheegta,laakin inta badan ma dhacdo dad in loo soo qab qabto dilalka

PUNTLAND POST