Wasiirka Haweenka Puntland oo booqatay deegaano abaar daran ka jirto

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Marwo Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa gaarsiisay deeq raashin ah boqolaal qoys oo ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dhulka Puntland.

Qoysaska Wasiir Aniso gaarsiisay deeqda ayaa ku kala sugnaa baadiyaha degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal iyo Tuulooyinka hoosyimaada , waxaana socdaalkan ku wehlinaya Wasiir Aniso oo qoys qoys isu dultaagtay Gudoomiyaha Degmada Dongoroyo .

Wasiir Aniso ayaa indhaheeda kusoo aragtay inta badan qoysaskii xoolo dhaqatada ahaa oo kusoo xarooday tuulooyin ay ka mid yihiin Uusgure,Baqbaq,Yabaayil iyo Ceelbuh, waxayna si weyn ugu kuurgashay Wasiir Aniso xaalada abaareed ee halkaas ka jirta.

Wasiir Aniso Cabdulqaadir ayaa sheegtay inay wax yar ka hareen xoolihii ku noolaa deegaanada ay socodka ku martay , Islamarkaana ay suuro gal tahay inay dadku u baabi,I karaan sababo la xiriira duruufo bini,aadamtinimo oo ka jira dhamaan deegaanada ay tagtay Wasiirka Haweenka Dowlada Puntland.

img-20161203-wa0020 img-20161203-wa0021 img-20161203-wa0022 img-20161203-wa0023 img-20161203-wa0026 img-20161203-wa0030 img-20161203-wa0031 img-20161203-wa0033 img-20161203-wa0035 img-20161203-wa0037 img-20161203-wa0038 img-20161203-wa0039 img-20161203-wa0000 img-20161203-wa0003 img-20161203-wa0004 img-20161203-wa0005 img-20161203-wa0008 img-20161203-wa0013 img-20161203-wa0015 img-20161203-wa0016 img-20161203-wa0017 img-20161203-wa0018 img-20161203-wa0019 img-20161203-wa0020 img-20161203-wa0021 img-20161203-wa0037Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST