Taliyaha Ciidamada Badda Puntland “”Wali Gacanta Kuma Dhigin Degmada Qandala”

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay wax ka yar 50 km ay u jiraan degmada Qandala ee gobolka Bari oo ah degmo ay haystaan maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish.

Taliyaha ciidamada Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo wareysi gaar ah siiyay VOA isagoo ku sugan meel aan ka fogeyn Qandala ayaa sheegay in ciidankoodu aanu wali gaarin degmada Qandala, balse ay dhawaan filayaan inay Qandala dib uga qabsadaan kooxda Daacish

Degmad Qanadal oo ka tiran gobalka Bari, ayaa waxa mudo bil ah gacanta ku hayey koox Islaami ah oo la magac baxday Ururka Daacisho waxaana hareeraha Degmad Qandal hada ku sugan ciidamo ka tirasn Puntland ku was oo raba in ay dib ula wareegaan.

Dadkii daganaa degmada Qandala ayaa dhawaan halkaasi ka soo cararay waxayna hada ku sugan yihiin magaalada Bossaso ee xarunta gancsiga Puntland.

Dhagayso Codka Taliyaha Ciidamada badda Puntland.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO