Somaliland oo gacan ku dhiigle kusoo wareejisay maamulka Gobolka Nugaal

Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Awxuuseen (Xinjira-dhuuq) ayaa maanta kula soo wareegay tuulada Gambara ee Gobolka Sool nin maxbuus oo ku eedeysan gacan ku dhiigle horey qof ugu dilay degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland oo si rasmiya ugu soo wareejiyay masuuliyiinta Gobolka Nugaal maxbuuskan oo Somaliland kasoo qabatay magaalada Hargeysa ayay uga mahadceliyeen maamulka Gobolka Nugaal sidey uga gacan siisay Somaliland soo qabashadiisa.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Xinjira dhuuq ayaa u sheegay PUNTLAND POST in ninkaan maxbuuska ah uu horey qof shacab ah dil ugu geystay mindida Tooreyda Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ,Islamarkaana laga soo qabtay deegaano ka tirsan maamulka Somaliland ka dib markii uu u baxsaday.

Waxaana loo soo wareejiyay magaalada Garowe ninkan oo aysan magaciisa sheegin maamulka Gobolka Nugaal .

Daawo Sawirrada.

img-20161204-wa0007 img-20161204-wa0008 img-20161204-wa0009 img-20161204-wa0014 img-20161204-wa0016 img-20161204-wa0017 img-20161204-wa0020Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST