Dufcadii labaad oo ka qalinjabisay barnaamij dhalinyaro ka bilowday Garowe

Garowe Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday dhamaysatay Barnaamij loogu magac daray ku celi waxaad baratay dalkaaga Hooyo ayaa lagu qabtay Dugsiga sare ee Al-Waaxa, ka dib barnaamij ay hindiseen dhalinyaro wax kusoo bartay dalka dibadiisa, waxaana mudadii uu socday barnaamijkan lagu baranayay maadooyin ay ka mid yihiin Cilmi baaritsa ,maamulka,hogaaminta iyo sida  qofku uga hadlo fagaaraha .

Muddo bill ah oo uu socday barnaamijkan waxaa marti galiyay goobta ardeyda wax lagu barayay machadka la yiraahdo Lafoole ,waxaana ka warbixiyay ujeedada barnaamijkan Cabdirisaaq Wadani oo ka mid ahaa Barayaasha barnaamijkan loogu magac daray ku celi dalkaaga hooyo wixii aad soo baratay.

Cabdirisaaq Wadani ayaa sheegay inay tahay sababta dhalisay barnaamijkan ka dib markii ay arkeen baahida ardeydu u qabto inay u faa,iideeyeen dhalinyarada jaamacadaha wax kusoo bartay sidii ay ugu faa,iideyn lahaayeen aqoontii ay soo barteen.

Waxa uu tilmaamay Cabdirisaaq Wadani in muddo ah bil ay barnaamijkan ka wadeen magaalada Garowe, Islamarkaana ay ka faa,iideysteen ardey badan barnaamijkan ay ugu magac dareen waxaad baratay ku celi dhulkaaga Hooyo.

Waa markii ugu horaysay oo Barnaamij noo caan oo kale ah dhalinyaro kazoo qalinjabisay jaamacadaha dalka iyo dibada ka bilaabaan magaalada Garowe , ma jirto Hay,add ama Xarun kale oo gacan ka siinaysa dhalinyarada barnaamijkan ay ku bixinayaan casharo ay ugu magac dareen Dib ugu celi waxaad baratay dalkaaga hooyo.

_dsc1322 _dsc1323 _dsc1324 _dsc1325 _dsc1327 _dsc1330 _dsc1331 _dsc1334 _dsc1335 _dsc1336 _dsc1337 _dsc1339 _dsc13411 _dsc1343 _dsc1346 _dsc1348Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.