Wasaaradda Waxbarshada Puntland oo deeq ku wareejisay Guddiga Taakulaynta Abaaraha.

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa maanta ku wareejisay Guddiga sarre ee Taakulaynta Abaaraha ka jira Puntland Deeq isugu jirta Raashin, Dhar iyo Lacag oo Guddiga u qaabilsan Wasaaradda Gurmadka Abaaraha ay kasoo aruuriyeen Ardayada wax ka barata Jamacadaha kala ah Puntland State University (PSU), Bosaso University, Bariga Africa iyo Dugsiyada kala ah dugsiga sare ee Ganbool,Dugsiga hoose/dhexe/sare Alwaaxa iyo Xikma.

Deeqdan Raashinka ah ayaa munaasabadii lagu wareejinayey waxaa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Abshir Yuusuf Aw Ciise,Wasiir ku xigenkiisa Maxamed Cali Faarax,Araday ka socotay xarumahan waxbarsho iyo xubno ka socday guddiga abaaraha.

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo deeqdan ku wareeejiyey Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay caawinta dadka abaaruhu saameyeen, ayna door muhiim ah ka qaateen bahda waxbarashada oo uu u mahadceliyay Wasiir Abshir Awyuusuf.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo lagu wareejiyey deeqdan si ay u  gaarsiyaan dadka ay abaartu saamaysay ayaa duco iyo mahadcxelin isugu daray Ardayda dhigata xarumaha waxbarasho ee deeqda keenay, wuxuuna ku dheeraaday Shiikhu  ahmiyada Aakhiro iyo Aduunba ay u leedahay in la is caawiho xilliyada duruufaha adag yimaadaan.

img_9178Deeqda maanta la wareejiyey waxaa bixiyay qeybta ugu weyn Ardayda dhigata dugsiga sare Gambool oo ah Iskuul dowliya , Islamarkaana ay dhigtaan tirada ardeyda ugu badan xarumaha waxbarsaho ee Garowe.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo ka mid ah guddiyada ku hawlan isku daba ridaka deeqaha loo ururinayo dadka abartu saamaysay oo la hadlay PP ayaa sheegay in weli ay socoto deeqaha ay iska ururinyaan Ardayda dhigata goobaha Waxbarshada ee ku yaala magaalada Garoowe

img_9013 img_9014 img_9017 img_9021 img_9023 img_9050 img_9052 img_9054 img_9059 img_9066 img_9067 img_9081 img_9093 img_9083 img_9100 img_9106 img_9140 img_9205 img_9207 img_9227 img_9234 img_9240Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST