Shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland oo kusoo xirmay magaalada Garowe

Garowe (Puntland Post):- Shirweynihii dib u eegista Waxbarashada Puntland oo maalintii shalay 29-Nov-2016 ka furmay xarunta horumarinta cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa galabtay la soo gebo gabeeyey.

Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa dib u eegis lagu sameeyey waxyaabihii qabsoomay,waxyaabihii aan qabsoomin islamarkaana la soo bandhigo horumarka waxbarasho ee la gaaray sanadkii 2015-2016.

Ka qayb-galayaasha shirka ayaa soo jeediyey in la dhamaystiro buugaagta manhajka waxbarashada puntland,in la tayeeyo macalimiinta,Imtixaanaadka iyo i la sameeyo kormeer joogto ah,waxaana wasaaraddu ay sheegtay inay qaadatay soo jeedinta ka qayb-galayaasha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbrashada puntland Dr.Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa u mahad celiyey ka qayb-galayaashii shirka waxaana uu sheegay in wasaaraddu in wasaaradu sanadka soo socda ay wax weyn ka qaban doonto manhajka waxbarashada Puntland.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku dadaalayso sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka waxbarasho ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Prof.Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaaday shirku mudadii uu socday isagoo uga mahadceliyey ka qayb-galayaasha shirka sida wanaagsan ee ugu dhabar adaygeen shirka mudadii uu socday.

Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa sheegay in waxtaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay ay ahaayeen Siyaasada lagu hagaajinayo Waxbarashada,Baahinta waxbarashada iyo tayeynta waxbarshada waxaana uu sheegay in guul laga gaaray arinkaasi.

Dhankale masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo hay,adaha dhanka waxbarashada ka taageera wasaaradda ayaa galinkii hore ee maanta kormeer ku sameeyey qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada Puntland.

Daawo Sawirradda.

img_8661 img_8663 img_8666 img_8667 img_8668 img_8669 img_8670 img_8672 img_8673 img_8676 img_8677 img_8681 img_8682 img_8687 img_8690 img_8710 img_8748 img_8749 img_8756 img_8779 img_8798 img_8827 img_8831 img_8839 img_8844 img_8846 img_8849Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST