Shir looga hadlayo ka hortaga fikradaha xagjirnimada oo lagu qabtay Garowe

Shir balaaran oo ku saabsan sidiii looga hortegi lahaa fikradaha xagjirnimada ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe,waxaana kulankan intuu socday si qoto dheer diiradda loogu saaray arrimaha sababay in kooxa danbiyada gasyta ay helaan dad ay ku adeegtaan.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay waxna ka soo qaban qaabiyey gudooomiyaha gobolka Nugaal ahna dallada hogaanka maamullada gobollada Puntland Cumar Faraweyne,Wasiirka gudaha Axmed Karaash,Taliyaha ciidamada Asluuubta Puntland General Cali Nuur Taliyihii hore ee ciidanka Asluuubta Somaliya Gen Saacid iyo masuliyiin sarsare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Maxkamdda danbiyada Culus.

Dhamaan masuuliyiinta ka socday QM, Dowladda Puntland iyo masuuliyiin hore ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyadda amaanka iyagoo dadwyenahana ku booriyey inay dowladda kala shaqeyaan adkaynta nabadgelyada iyagoo xusay inay jiran talaboooyin xididdada looga siibayo cid kasta oo ku hawlan khal-khalgelinya amaanka.

Hindisahan looga hortegayo danbiyada kala duwan gaaar ahaan arrimaha xagjarnimada  ayaa la yiraahdaa magaciisa  barnaamijka lagu wajahi doono Conflict Piollencd Exremism (CPE)  waxaana gacan ka siinaysa dowladda Puntland Qaramada Midoobay,waxaana jira qodobo la isla qaatay oo ku saabsan sidii  looga hortegi lahaa falalka amaanka liddigga ku ah.

Waxaa ka mid ah go,aamada la isla qaatay in looga hortego wacyi-gelin joogto ah in la sameeyo,in shaqoo abuur la sameeyo si looga hortego dadka dhaqaalaha yar loogu adeegsado inay danbiyo galaan,in gacan laga gaysto joojinta colaadaha qabiilada iyo kuwo kele oo yaran kara lagagana adkaan karo kooxaha amaanka dalka dhibaatada u gaysta.

img_9397 img_9478 img_9475 img_9474 img_9473 img_9471 img_9469 img_9468 img_9467 img_9465 img_9445 img_9431 img_9419 img_9411 img_9404 img_9394 img_9392 img_9389 img_9391 img_9386img_9249 img_9253 img_9308 img_9362 img_9364 img_9365Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST