Iskuulka Gambool oo door muhiim ah ka qaatay taakulada abaarta ka jirta Puntland

Garowe (Puntland Post Maamulka Dugsiga Sarre ee Gambool ayaa maanta ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Sarre ee Taakulaynta Abaaraha ka jira Puntland deeq isugu jirta Raashin, Dhar iyo Lacag ay soo aruuriyeen Ardeyda dhigta dugsiga sarre ee Gambool magaalada Garowe.

Maamulaha Dugsiga Sarre Gambool Cali Ibraahim Xuseen (Cali Sudan) ayaa munaasabad ka qabsoontay xarunta Iskuulka  si rasmiya ugu wareejiyay Guddiga Sarre ee Taakulaynta Abaaraha iyo Guddiga Wasaaradda Waxbarashada deeqda ka timid Ardeyda Gambool oo ka mid ahayd middii ugu balaarneyd oo ardeyda iskuuladu ugu deeqaan dadka ay saameeyeen abaraha ku dhuftay dhulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Prof Abshir Awyuusuf Ciise oo goob joog u ahaa goobtii lagu wareejiyay deeqda ka timid Gambool Secondry School ayaa ku amaanay  doorka iyo kaalinta lama ilaawaanka ah oo Ardeyda iyo Maamulka Iskuulka Gambool ka qaateen gurmadka abaaraha.

deeqda
Ardeyda Gambool Garowe

Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Guddiga Taakulaynta Abaaraha Puntland ayaa ugu duceeyay Ardeyda iyo maamulka Gambool inuu alle ka siiyo  bedel kheyr qaba kaalinta taakulo ee ay ka geysteen abaaraha ka jira Puntland.

GAMBOOL wuxuu ka mid yahay Hantida Dowlada, Waana mid ka mid ah Iskuulada leh taariikhda Faca-weyn oo ay dhigtaan tirada ardeyda ugu badan xarumaha waxbarasho ee ku yaala magaalada Garowe

img_9130 img_9146 img_9155 img_9159 img_9171 img_9175 img_9183 img_9186 img_9188 img_9194 img_9225 img_9228 img_9232 img_9233img_9146 img_9207 img_9205 img_9036 img_9033 img_9023 img_9021 img_9017Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST