Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo la xisaabtantay hay,adda Intersos

Garowe (Puntland Post):-Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa maanta xarunta Wasaaraddan ee Garowe kula xisaabtantay hay,adda INTERSOS oo ka shaqaysa arrimaha Qaxootiyada,Caruurta iyo Haweenka.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta oo ugu sareeyey Agaasimaha guud Xuseen Cabdi Jaamac Agaasimaha Waaxda Caruurta ee Wasaaradda Haweenka iyo madaxa INTERSOS ee Somalia.

Haya,dan oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa mashariicdeeda ugu badan ka fulisa gobolka Mudug iyo degaano kele oo ka mid ah Puntland waxayna soo bandhigeen waxqabdkii ay ka fuliyeen sanadkiii la soo dhaafay.

Qodobada ay isla gareen Wasaaradda Qorshaynta iyo haya,dda Inreesos ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in la sii xoojiyo Mashariicda ay haya,dani ka wado Gobolka Mudug iyo degaanada kele ay ka shaqayso iyo in la soo hubiyo waxqabadka ay soo bandhigeen maanta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta ayaa PP u sheegay inay dhawaan kormeer,qiimayn iyo hubin lagu soo samayn doono masharaiicda ay haya,dani fulisay iyadoo loo diro doono deegnada ay ka fuliyeen guddi ka so socda Wasaaraddan.

20161130_100717 20161130_100726 20161130_100746  20161130_100815 20161130_100844 20161130_100851 20161130_100859 20161130_100905 20161130_100913 20161130_100938Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST