Wakiilka Midowga Yurub Somalia oo soo booqatay Xarunta Wasaarada Deegaanka Puntland

Garowe (Puntland Post):- Wafti balaaran oo ay hogaaminayso Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaliya Miss. Veronique Lorenzo oo ay la socdaan Ergada midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland halkaas oo ay kula kulmeen madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Deegaanka iyagoo kawada hadlay arimaha abaaraha, dhibaatooyinka deegaanka, mashaariicda Midowga Yurub ay Puntland siiso ee ku wajahan dhanka deegaanka, la qabsiga isbedelka cimilada Aduunka ka shaqaynta taakulaynta haweenka reer Puntland ee ay ku dhacaan dhibaatooyinka ugu badan ee bulshada marka laga hadlayo Abaaraha iyo baahiyaha kale  iyo qodobo kale.

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Muna Daahir Dalmar ayaa waftiga ugu horayn kusoo dhawaysay Wasaarada Deegaanka waxaana ay sheegtay in Wasaarada Deegaanku ay imika xooga saarayso sidii loo siyaadin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta Midowga Yurub.

Dhinaca kale Agaasimaha ayaa waftiga Midowga Yurub uga warbixisay xaalada Abaaraha Puntland iyadoo sheegtay in Wasaaradu ay ku mashquulsantahay sidii loo bilaabi lahaa Mashaariico quseeya la qabsiga isbedelka Cimilada iyo maaraynta Abaaraha.

Muna Daahir Dalmar ayaa Midowga Yurub u sheegtay in loo baahanyahay in wasaarada iyo Midowga Yurub ay hada kadib kawada tashadaan mashaariicaha lasiinayo Puntland ee dhanka Deegaanka si ay u noqdaan kuwo ka turjumaya Baahiyaha rasmiga ah ee Bulshada reer Puntland maadama ay Wasaaradu si hoose u ogtahay dhibaatada Bulshadeeda haysata.

1Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaliya Miss. Veronique Lorenzo ayaa dhankeeda sheegtay in booqashadeedii ugu horaysay ee Puntland ay ku faraxsantahay inay soo booqato wasaarada Deegaanka waxaana ay sheegtay in ay aad ula dhacday habka ay wasaarada Deegaanku u shaqayso oo ah qaab casri ah oo waafaqsan nidaamka caalamiga ah.

Sidoo kale waxay sheegtay in mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya ay qaybta Deegaanka meesha sida rasmiga ah looga fuliyey ay tahay Puntland oo isbedel rasmi ah laga sameeyey dhibaatooyinkii horey uga jiray deegaanka, Biyo yarida iyo hakinta dhulka burburay ee sii fidayey awal waxaana ay sheegtay in ay diyaaryihiin inay sii laba jibaaran wada shaqaynta.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa ay labada dhinac xooga saareen ka hadlida iyo ka doodista arimo ay kamidyihiin mashaariicdii horey Midowga Yurub uu Puntland uga waday oo ay kamid yihiin “Deegaanku waa Noloshaada” oo ah mashruucii ugu waynaa ee midowga Yurub ay Puntland siiyeen, maamul daadajinta, kaydinta xogta deegaanka, biyaha iyo Dhulka, la qabsiga isbedelka Cimilada, maaraynta abaaraha iyo arimo kale.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada ayaa soo jeediyey warbixino ku saabsan mashaariicahaas waxaana Midowga Yurub ay la wadaageen soo jeedino ku saabsan baahiyaha imika ee Deegaanka ka jira kuwaas oo ay Midowga Yurub ka gudoomeen.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST