“Dareenka Somalida hadalka Madaxweynaha Mareykanka” Mowduuc xiiso leh

PUNTLAND POST ayaa bilaabaysa mowduuc falanqeyn ah oo Dadweynuhu si xor ah ay ugu soo gudbin karaan Ra,iyadooda ku saabsan qodobka ama mowduuca aanu u doorano inuu ahaa midkii ugu xasaasisanaa Wararka ama Dhacdooyinka maalin walba lagu daabaco baraha kala duwan ee Warbaahinta PUNTLAND POST sida barta Facebook oo ah www.facebook.com/puntlandpost tan Twitterka oo ah  www.twitter.com/puntlandpost, Wargeyska PUNTLAND POST oo talaado walba kazoo baxa magaalooyinka PUNT-LAND iyo Shabakadaha PUNTLAND POST oo kala ah www.puntlandpost.net ama www.puntlandpost.com .

Mowduucan cusub oo aanu ugu magac darnay DHUGASHADA DHIIRANE ayaa noqon doona mid xiiso galin doona qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna ujeedadiisu tahay sidii PUNTLAND POST todobaadkiiba bandhig buuxa ugu samayn lahayd Aragtida ugu xasaasisan ee Dadweynuhu ka qabo hadba qodobka ama mowduucii ugu hadal haynta badnaa wararka iyo dhacdooyinka ay soo tebiso Warbaahinta madaxa banaan ee PUNTLAND POST.

FAHAMKA MOWDUUCA CUSUB.

logo-full-pp-dhugWaa mid ay PUNTLAND POST ku weydiinayso qeybaha bulshada ku xiran shabakadaheeda caalamiga ah sida Facebook/Twitter/Youtube,Hoyga Website-ka iyo Joornaalka, SU,AALO qoraal ah,mararka qaarna ay la socdaan muuqaalo , waxayna PUNTLAND POST haddii uu alle idmo suura-gain doonta in dadweynuhu si xor ah ugu soo gudbiyaan aragtida ay ka qabaan hadba mowduuca ku haboon in toosh lagu ifiyo ciddey quseeyaan dhacdooyin kasta oo Arrimaha Bulshada ama Siyaasadda,IWM .

Barnaamijka DHUGASHADA DHIIRANE oo su,aalo qoraal ah iyo muuqaalo leh Dadweynaha lagu weydiinayo, waxaa dhinac socon doona warbixino PUNTLAND POST ku bandhigayso halka ay u badan tahay am ay u badnaatey aragtida (tusaale 70%) iyo talooyinka ay isku raaceen dadweynuhu inay u gudbiyaan  hadba cidda uu quseeyo mowduucu sida Xukuumad, Baarlaman,Garsoor,Hay,add,Shirkad,Masuul,IWM.

TUSAALE KOOBAN:-

dhugasho-dhiirane-puntland-post
Mid ka mid ah Aragtida dadka tijaabadii ugu horeysay Mowduuca

PUNTLAND POST waxay idiin soo bandhigeysaa xog uruurin ku saabsan siday Dadweynuhu aragtidooda uga dhiibteen bandhigii ugu horeeyay oo aan u xulanay mowduucan cusub, hadal kasoo yeeray Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ka dib markii uu ka mid noqday hadalkiisu kuwa ugu saameynta balaarnaa gudaha bulshada Soomaalida wararkii iyo dhacdooyinkii PUNTLAND POST ay baahiso 24 saac ee lasoo dhaafay.

Wuxuuna yiri Madaxweyne Donald Trump trumpoo ka hadlaya weerar wiil Soomaaliya oo kooxda Daacish ay sheegatay inuu ka tirsanaa uu maalmo ka hor ku qaaday Jaamacad ku taala Mareykanka  “Kooxda Daacish ayaa ku faaneysa tooriyayntii jamaacadda Ohio uu ka geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horeba aan mudneyn inuu joogo dalkeena ”, Haddaba PUNTLAND POST ayaa su,aashay Dadweynaha“” Yaa leh masuuliyadda weerarka Jaamacadda OHIO !! Ma Kooxda DAACISH Mise SOMALIDA ? Sidee buuse kuula muuqdaa hadalka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ?.

Haddaba daqiiqado ka dib waxaa tijaabadii ugu horeysay aragtidooda uga dhiibtay barta aanu ku leenahay Facebook   in ka badan 51 qof, oo aragtidooda ku muujinaya siday uga careysan yihiin hadalka kazoo yeeray Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka,waxayna intooda badan dadkii ka hadlay mowduucaan talo ugu jeediyeen Somalidu inay kasoo guurto dalalka Qurbaha iyo Mareykanka, si ay u muujiyaan awoodooda iyo kartidooda .

qaar-kaleIsku soo wada duuboo hadalka afkiisa kasoo yeeray Donal Trump ayaa durba fasiraya inaan wax badan iska bedelin hadaladii horre ee uu ku galay ololaha tartanka Madaxweynaha Mareykanka, waxaana marka laga tago sida uu uga jawaabay weerarkii wiil somali ah oo kooxda Daacish ay sheegatay inuu ahaa askeri iyaga ka tirsan maalmo ka hor uu ku qaaday Jaamacadd ku taala OHIO ayuu u muuqda hadalka uu kaga jawaabay Madaxweyne Trump mid ay huwan tahay cunsuriyad oo aan horey looga baran siyaasada aqalka cad ee dalka Mareykanka

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST