Dahabshiil Group oo Boqol kun oo dollar Ugu Deeqday Abaaraha Ka Jira Puntland

Shirkadaha ku Bahoobay Dahabashil ayaa deeq lacageed oo gaaraysay boqol kun oo dollar ku wareejiyay guddiga culumadda ee gurmadka Abaaraha ee Puntland.

Munaasabadda wareejinta deeqda lacagta oo ka dhacday Masaajidka Rowda ee magaladda Bosaso, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha guddiga Abaaraha puntland sheikh Fu’aad X. Nuur, Sheekh Daahir Aw-Cabdi, Sheekh Axmed Daahir , Sheekh Axm,ed Yuusuf Daad iyo Qaar ka mid ah masuuliyiinta Sar sare ee Shirkada Dahabshil Group ee Puntland.

Cali Ceelaayo oo ka mid masuuliyiinta Sar sare ee shirkadda Dahabshil Group oo ugu horrayn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay dareemeen dhibaatadda haysta dadka reer miyiga ah, masuuliyadna ay ka saran tahay inay u gurmadaan oo caawiyaan.

“Dahabshil group ahaan, waxaa dhaqan ahayd marka ay dhibaatadan oo kale ay jirto, dhibaatadan oo kale ay la kumaan in jawaab laga bixiyo, oo masuuliyadda ummada ka saran shirkadaha ganacsiga, inay qaadato qaybta ay ku leedahay, waxayna ugu deeqday dhinac Puntland lacag gaaraysa boqol kun oo dollar oo loogu talagalay in lagaga qayb qaato gurmadka abaaraha, oo lagu badbaadiyo dadkaas dhibaataysan, oo gaajada iyo haraadku hayo.

Guddoomiyaha Gurmadka abaaraha Puntland sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji ayaa ku bogaadiyay shirkad dahabahil deeqda lacageed ay ku wareejiyeen guddiga culumadda,,isagoo ku tilmaamay talaabada ay qaadeen mid dhiirigalin ah guddig.

“ Boqol kun oo dollar waa lacag aad u farabadan, annaga guddi ahaan dahabshil waxay na galiyeen dhiirigalin aad u weyn, oo abaartu aad iyo aad bay u adagtahay u adagtay, iyadoo abaartu ay ka jirto wadankoo dhan, haddana gobolada waa la kala sii daran yahay, gaar ahaan gobolkii Sanaag la isku oran jiray (Sanaag iyo highland) sool meesha uu ka galo, gobolka bari qaybo ka mid ah, abaartu aad iyo aad ayay u haysaa.

Shiikh fu’aad wuxuu ugu baaqay dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo shirkadaha kale ee dalka ka howlgala inay ku daydaan shirkadda Dahabshil, oo ay ka qaybqaataan gurmadka loo fidinayo walaalahooda abaartu ay saamaysay.

Munaasabadii, Wareejinta Deeqa lacageed ee Dahabshil ku wareejisay guddiga, waxaa ka hadlay sheikh Axmed Daahir , Sheekh Daahir Aw-cabdi iyo Sheekh Axmed Yuusuf Daad, waxayna ilaahay uga baryeen shirkadda in deeqda lacagta ay bixiyeen, wax ka khayr badan ilaahay ugu bedelo.

Gabagabadii, Shirkada Dahabashil Group oo isugu jirta Bangi, Xawaalad iyo Isgaarsiin iyo ganacsiyo kale ayaa noqotay

shiradkii u horraysay oo lacag deeq ah oo boqol kun oo dollar gaaraysa ugu qayb qaadatada gurmadka abaaraha ee dhinaca Puntland.

DAAWO SAWIRADA :

vlcsnap-error069 vlcsnap-error157 vlcsnap-error230 vlcsnap-error464 vlcsnap-error472 vlcsnap-error614 vlcsnap-error682 vlcsnap-error702 vlcsnap-error708 vlcsnap-error898 vlcsnap-error899