Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo tiimam u dirtay dhulka abaaruhu ka jiraan

Boosaso(Puntland Post):-Kooxahaan oo ay u dhamaytiran yihiin qalabkii caafimaad ee ay ku howlgeli lahaayeen ayaa loo qorsheeyey inay tagaan ku dhawaad 42-deegaan oo ka kala tirsan Gobolada Bari iyo Gardafuu oo kamid ah Gobolada Puntland ee saameyntu ku yeelatay abaarta baahsan ee weli ka taagan Dalka .

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee Gobalka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa warbaahinta u sheegay in kooxahaan u diyaarsan yihiin sidii ay gargaar caafimaad ula gaari lahaayeen dadka reer Puntland ee abaartu saameysay kuna sugan gobolada Bari iyo Gardafuu.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays dhado oo ku sugnaa goobta lagu anbabixinayey kooxihii gurmadka caafimaaadka ayaa bogaadiyey wasaaradda caafimaadka Puntland oo badi Gobolada udirtay kooxo diyaarsan oo qeyb-ka ah gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay .

Talabadan ay wasaardda caafimadka Puntland ay qaaday ayaa ku soo beeg maysa xili ay dad badani la il daranyihiin xanuuno kala duwan oo ay keenene abaaraj ka jira Puntland.

13

1210

7891114

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO.