Shirweynaha dib u eegista Caafimaadka Gobolka Bari oo ka furmay Bosaso

Kullankan ayaa ahaa mid ay wasaaradda caafimaadka dawladda Puntland shaqada ay ka hayso degmada Boosaaso dib u eegis ugu sameynayso , waxaana goob jooog ahaa xubnaha wasaaradda ee degmada , hay’adaha la shaqeeya wasaaradda iyo masuuliyiinta u saraysa ee wasaaradda caafimaaadka dawladda Puntland .

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee Gobalka Bari Siciid Maxmaed Waraabe iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Dr.Cabdirsaaq Xirsi Xassan  oo furitaanki shirka ka Hadley ayaa sharaxay muhiimadda ay ka leedahay wasaaraddu qabashada shirarka la xiriira dib u eegsita lagu sameynayo shaqada wasaaradda ee socota iyagoona tilmaamay in ay tahay mid dib loogu eegayo sidii hawlaha caafimaad ee ka jira gobalka Bari.

Wasiirka caafimaadka dawladda Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan ciise oo gebagebadii shirka hadlay ayaa shaqaalaha wasaaradda ku amaanay dadaalka shaqo ee ay wadaan , waxaana uu isla xisaabtankaan ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah uleh wasaaradda si shaqadeeda loo sii dardargeliyo .

Maahan markii ugu horaysay oo kulan noocan oo kale ah laqabto kaas oo dib loogu eegayo hawlaha caafimad ee ka jira magaalad Boosaso.

126845391

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO